|

Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashada Somalia oo Tirtirey Natiijada Kuraas Oo Lagu Tartamay & Wasiir La Diiday Inuu Mar Kale Tartamo [AKHRI]

Muqdisho 15. December 2016 (SDN/QJ):- Guddiga Madaxa Banaan ee xalinta Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya ayaa soo bandhigay magacyada 11-Xildhibaan oo doorashadooda la laalay, kadib markii Guddigu sheegay in nidaam aan sharci aheyn lagu doortay kuraastaasi.

Xubnaha ugu badan ee Guddiga Khilaafdka ay laaleen doorashooda ayaa laga soo doortay Maamul goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Hirshabelle iyo Puntiland, waxaa sidoo kale Guddiga soo diideen xubno kale oo iyagana lagu doortay Cadaado iyo Kismaayo,

Guddiga Khilaafaadka ayaana sheegay in kuraastan natoojadooda la laalay mar kale doorashooda dib loogu laaban doono, waxaana mar kale in uu tartamo loo diiday Wasiirka dhalinyarda iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulaahi Nuux.

Halkan ka Aqriso Warqada kasoo baxday Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Comments are closed