Aqoon-Yahankii Duufaanada Siyaasadeed Ku Kaceen ee Jamaal Cali Xuseen oo Dantu Biday inuu Dhiso Murashax Muuse Biixi DAAWO
Berbera 15. December 2016 (SDN/QJ):-Murashixii hore ee madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku dhawaaqay inay isaga iyo taageerayaashiisuba ku biireen xisbiga KULMIYE, ka dib markii uu la tashi badan sameeyay.
Jamaal iyo wefti uu hoggaaminayo oo Salaasadii gaadhay Berbera, wuxuu sheegay inuu wada tashi badan ka dib uu go’aan ku gaadhay inuu taageero oo uu dhiso murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. “Inaan taageerayaashayda iyo dadkayga ku waajahayo oo aan odhanayo cududeean iyo xoogeena waxaan ku biirinaynaa inaan dhisno Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo KULMIYE.” ayuu yidhi Jamaal oo la hadlay dadweyne
taageerayaashiisa ah.
Jamaal, wuxuu murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cirro ku eedeeyay inaanu wax taageero ah u fidin maalmihii ay dagaalka siyaasadeed isku hayeen murashaxa xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe.