|

Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye oo ka Jawaabay Ololle Xisbiga Waddani ku Eedeeyay

Hargaysa 14. December 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa iska fogeeyay Eedeymo uga Yimid Xisbiga mucaaridka ah Waddani, kaasi oo lagu eedeeyay inuu olole ka bilaabay Gobolada Galbeedka Somaliland.

Jaamac ShabeelGuddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin ololahaasi xisbiga Waddani ku eedeeyay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda islamarkaana ay Boorama u tageen marti qaad rasmiya oo ay ka heleen Shacabka Gobolkaas.

“Boorama wuxuu xisbigu u tagay Marti qaad uu ka helay dadka Deegaankaa”ayuu yidhi Jaamac Shabeel waxaanu intaasi raaciya “Dad lama diidi karo xisbiga Kulmiye ayuu komishanku Xukumaa ee shacabka ma Xukumo”

Comments are closed