|

Nuxurka Kulan Xasaasi Oo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Xalay La Yeeshay Dhalinyarada Aqoonyahanka Beelaha Habar-Cafaan Ee Gobolka Awdal

Boorama 14. December 2016 (SDN/QJ):- Kullan balaadhan oo ay fooda isku dareen dhalinyarada Aqoonyahanka Beelaha Habarcafaan Iyo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayay Musharax Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay ka qabsoomay Hotel SAW Ee Magaalada Boorama,kullankan oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd.

 

Warar Madax bannaan oo Warbaahintu heshay ayaa sheegay in Shirkani uu daaranaa sidii ay dhalinyarada Aqoonyahanka beesha iyo hogaanka sare Ee Xisbiga kulmiye isku baran lahaayeen, sidoo kale dhalinyarada Beesha ayaa warbixin dheer oo waayihii ay soo mareen ka horjeediyay mas’uulliyiinta sarsare ee Xisbiga Kulmiye iyo sida ay ugu hungoobeen xisbigii ay soo gardaadiyeen ee WADDANI.

 

Dhanka kale dhalinyarada Beesha ayaa hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye hor dhigay hadii ay beeshaa Habarcafaan go’aan ku gaadho inay taageeran Xisbiga Kulmiye taas badalkeeda waxa ay ka dhalinyaro aqoonyahano helayaan marka uu talada Dalka Ku guulaysto taas oo si qoto dheer looga dooday.

 

Gabogabadii kullankan ayaa waxaa hadalka qaatay Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo kaadirkii xisbiga Kulmiye kala socday waxa ayna u mahadnaqeen dhalinyaradii Beesha Habarcafaan ee kullankan soo agaasimay waxaana ay ka makhraati kaceen in beesha Habarcafaan tahay labeentii Somaliland iyo tan gobolka Awdal, ayna la yaabeen sida ay mijo iyo madax u midaysan yihiin, kuna taameeyeen mar uun inay gacanta u soo galaan allena riyadoodii rumeeyey.

 

Mas’uuliyiinta Kulmiye ayaa sidoo kale hadalkoodu ku daray kol hadii Beesha Habarcafaan Kulmiye Helay oo ay in mudo ah raadinayeen guushii Xisbigu Soo Carfayso waxa ayna dhalinyarada kula dardaarmeen in dheriga dhinaca laga wada fadhiisto dadalkeeda la muujiyo sid midhaha guusha la wada gurto.

 

Hogaanka Kulmiye ayaa waxa ay hadalkooda ku soo gabogabeeyeen in wadahadalkii Beeshu Socdo ayna dhawaan natiijo farxad leh ka soo  bixi doonto wixii intaas ka danbeeyana Beesha Iyo Xisbiga Kulmiye Meel U Wada Jeesan doonaan.

 

Si kastaba ha ahaatee Kullan ayaa ah mid daba socoda kulamo joogta ah oo ay beeshu maalmihii u danbeeyay la yeelanaysay Hogaanka Sare Ee Xibiga Kulmiye kaas oo wali ka socda Boorama waxaana la filayaa maalmahan soo socda inay kullamadaasi natiijo ka soo bixi doonto.

Comments are closed