|

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka oo loo diiday Kaadhadhka Aqoonsiga Xildhibaanimo

Muqdisho 14. December 2016 (SDN/QJ):- Guddiga Doorashada Dadban ee heer federaal ayaa Shalay ka bilaabay magaalada Muqdisho bixinta shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Somalia.

bixinta-shahaadooyinka-iyo-kaararka-aqoonsiga-baarlamanka-cusub1Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa xaqiijiyay in la bilaabay bixinta kaararka aqoonsiga , lana siiyey xildhibaanada labada aqal qaarkood.

Xildhibaano fara badan oo ka soo kala jeeda Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa la siiyey kaararka aqoonsiga xildhibaanimo, iyadoo xildhibaanada Juballand iyo Puntland aysan weli soo gaarin magaalada Muqdisho.

Wararka aya sheegaya in Guddiga Doorashada Dadban ee heer federaal uu aqoonsiga xildhibaannnimo u diiday xildhibaano la sheegay inay dacwad ka taagan tahay kuraastooda.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Guddigu bilaabay bixinta shahaadda xildhibaanada la doortay, iyadoo la siinayo xildhibaanada aanay wax dacwad ah ka oolin Guddiga ee kuraastooda aan la isku heysan.

bixinta-shahaadooyinka-iyo-kaararka-aqoonsiga-baarlamanka-cusubQaar ka mida xildhibaanada oo hore Muqdisho u yimid inay helaan kaararkooda ayaa loo diiday sababo la xiriira dacwad ka jirto kuraastooda, arrintaas oo keentay in xildhibaano badan ay walaac ka muujiyaan in arintan ay ka dhalato musuq maasuq cusub oo lacago looga qaato sidii ay kaararkooda u heli lahaayeen.

Xildhibaanada u diiwaan gashan inaan la siin Shahaadooyinka ayaa tiradooda lagu sheegay labaatameeyo Xildhibaan.

 

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada laga soo doortay xildhibaanada muranka la geliyey iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wada dedaalo guddiga doorashada looga dhaadhicinayo iney aqoonsiga siiyaan xildhibaanada la diiday.

Comments are closed