10-Ka Jaamacadood Ee Ugu Tayada Wanaagsan Jaamacadaha Dalalka Carabta, Sucuudiga Iyo Masar Keebaa Horeeya?
Hargaysa 14. December 2016 (SDN/QJ):- Jaamacadaha Dalalka Carabtu waxa ay sameeyeen xawli horumar oo aad u ballaadhan tan iyo 2002 wixii ka dambeeyey iyada oo ay tirada iyo tayada Jaamacadaha dalalka Carabtu aad u kordheen wixii intaasi ka dambeeyey inkasta oo ay qaar ka mid ah saamayn ku yeesheen Kacdoonkii Gu’ga Carabtu. Qiimaynta Jaamacadahan lagu sameeyey waxa lagu eegay oo halbeeg u ahaa Takhasusaadka sare sida Injineerinka iyo Caafimaadka, heerka cilmi-baadhisaha ay sameeyaan ardayda ka soo baxda ama qaybta cilmi-baadhisyada ee jaamacadahani iyo waliba heerka tayada aqooneed ee ay bixiyaan iyo meeqaamka tayo ahaan ay gaadhaan ardayda ka soo baxdaa. Qiimayntan waxa lagu sameeyey in ka badan 800 oo jaamacadood oo ku kala yaalla dalalka Carabta iyada oo uu sameeyey machad waxbarashada qiimeeya oo laga leeyahay wadanka Maraykanku.
Qormadan waxa aan ku eegi doonaa 10-ka Jaamacadood ee ugu horreeya uguna tayada wanaagsan jaamacadaha ku yaalla dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabtu kuwaasi oo qiimayn muddo dhaeer lagu samaynayay ay natiijadani ka soo baxday, waxaanay u kala horreeyaan sidan:
- Jaamacadda King Saud (Riyat-Saudi Arabia)- 100-dhibcood
Jaamacadda Boqor Sacuud ee ku taalla magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka boqortooyada Sacuudi carabiya waxa ay qiimayntan ka gashay kaalinta koowaad. Waxaanay heshay 100 dhibcood. Jaamacaddan oo la aasaasay 1957-kii waxa lagu tilmaamaa jaamacadda ugu ballaadhan jaamacadaha Sucuudiga marka laga yimaad Jaamacadda Ummul Quraa.
- Jaamacadda King Abdul-aziz (Jedda- Saudi Arabia)- 89.6 dhibcood
Jaamacadda Boqor Cabdul-casiis ee ku taalla Magaalada Jeddah waxa ay qiimayntan ka soo gashay kaalinta labaad waxaana lagu tilmaamaa jaamacadda Afraad ee ugu ballaadhan
jaamacadaha Bariga dhexe, waxaana xagga ballaadhka ka horreeya oo kali ah Jaamacadaha King Saud, Open University of Libya iyo Caynu Shamsi oo Masar ah.
- Jaamacadda King Abdalla (Thoul- Saudi Arabia)- 89-dhibcood
Jaamacaddani waxa ay bixisaa culuumta Sayniska iyo Tiknoolajiyada waxaanay ku taallaa xeebta magaalada cusub ee Thoul oo ku taalla galbeedka magaalada Jeddah. Waxa ay bixisaa daraasaadka sarsare ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada waana jaamacad casri ah oo da’yar horumar weyna ku tallaabsatay.
- Qaahira University (Cairo-Egypt)- 81.5 dhibcood
- Jaamacadda American University of Beirut (Beirut Lebanon)- 74.5 dhibcood
- Jaamacadda Al-Mansuura (Delta-Egypty)- 68.8 dhibcood
- Jaamacadda Caynu-shamsi (Cairo- Egypt)- 67.9 dhibcood
- Jaamacadda Batroolka iyo Macaadinta ee Tehran (Saudi Arabia)- 66.6 dhibcood
- Jaamacadda Scandaria- (Egypty)- 65.9
- Jaamacadda Al-cayn University (UAE)- 65.7 dhibcood.