“Musuqmaasuqu Waxa Uu Naafeeyaa Bulshada, Wuxuu Dilaa Horumarka, Wuxuuna Dhaawacaa Qalbiga Bulshada Ee Waan In Lala Dagaalamo……” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland DAAWO
Hargaysa 13. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in aanay bahda garsoorka wax dulqaad ah u hayn musuqmaasuqa, dad badan ayaana lagu xidhay musuqmaasuq, waanan kala caydhinay wax alla wixii musuqmaasuqa ahaa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi; “Difaaca xuquuqaha aadmiga waxa ugu horreeya oo masuul ka ah qaranka, markaa hay’adaha qaranka ayaa xuquuqaha wax difaaca, waxna bixiya, waxna ilaaliya, waana saddexdaas nooc oo innagu had iyo jeer waxaynu eegnaa difaaca oo qudha, waxase ka horreeya in la bixiyo xuquuqaha oo qaranka ayaa laga helayaa shaqo-abuur, adeegyo kale oo fiican oo ay ka mid yihiin xuquuqaha in qofku helo biyo, nabadgelyo, degaan fiican iyo waxyaabaha aasaasiga ah, waxaas oo dhanna waxa bixiya qaranka, markaa inta aan la gaadhin difaaca waxa muhiim ah in la ogaado yaa bixiya xuquuqaha, hay’adaha kala duwan ee qaranka ayaana bixiya, haddii ay tahay garsoorka, xeer-dejinta iyo fulinta, marka ay difaaca noqotana cidda koowaad ee laga filayo waa hay’adaha dastuuriga ah ee qaranka.”
“Marka imminka xaqaaqa lagu xadgudbo ee tusaale ahaan la xado gurigaaga oo la qaatay hantidaada, waxa lagu xadgudbay xaq aad leedahay. Yaa kuu difaacaya? Laga soo bilaabo amniga oo boolisku ugu horreeyo oo baadha, qabanayana, ilaa uu soo gaadhayo Maxkamadda oo hadhaw haddii uu wax ku caddaado iyagu xukumaya.”
“Waxa aannu u mahadnaqaynaa hay’adaha kala duwan ee xuquuqal-insaanka oo wada-shaqayn naga dhexayso, gaar ahaan Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka Somaliland iyo qaar kale oo ka shaqeeya arrimaha xuquuqal-insaanka, waxaanna naga dhexaysa wada shaqayn joogto ah, wayna noo yimaaddaan, wixii cabasho ahna way noo soo gudbiyaan, albaabada ayaanan u furnay, wayna booqdaan, dacwadahana way fadhiistaan. Guddida Xuquuqal-insaanka Qarankuna shaqo fiican ayey qabteen, horumar badan ayaana ka muuqda, wayna dhismayaan.”
“Dad badan ayaa u xidhxidhan oo hawlwadeenno shaqaynayey ayaa xattaa u xidhxidhan, markaa musuqmaasuqu waxa uu naafeeyaa bulshada, wuxuu dilaa horumarka, wuxuuna dhaawacaa qalbiga bulshada, markaa waa in lala dagaallamo, waxaanan ugu baaqaynaa qof kasta oo muwaaddin bulshada reer Somaliland ah iyo beesha caalamkaba haddii aad leedahay xoolo xalaal ah, ha iskaga baabiin xoolo xaaraan ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.