|

Gabood Falada Gannacsade Aljaabiri Ku Hayo Xoolaheena Iyo Qiimihii Ugu Hooseeyay Oo La Sheegay Inuu Ku Gadanayo Xoolaha + Tuhunada Ku Gadaaman Ee Xaaladda Taagan

Hargaysa 13. December 2016 (SDN/QJ):- Ganacsadaha Carbeed ee reer Sacuudi Carabiya Saleeban Siciid Aljaabiri ee gacan saarka leh Dalkeena islamarkaana Maxjarku uga dhisan yahay Dekeda Berbera ayaa laga soo sheegayaa arimo gabood fal ku ah Xoolaheena,Waxa uu adeegsanayaan Dilaaliin Calooshooda u shaqaystayaal ah oo Muwaadiniin ah oo laftoodu Ganacsato ah waxaanu si layaableh hoos ugu dhigi Qiimaha neefkii Adhiga ahaa oo la sheegay inuu kala badh intii awal la siinayay u dhaafiyay,Isagoo ka faa’iidaysanaya Xaalada ba’an ee Abaareed ee ku habsatay Xoole dhaqatada oo Wixii la yidhaahb maanta aan diidayn.

15493944_1354751457892831_3467391_nGanacsade Aljaabiri Waxa uu Heshiis Dhinaca Dhoofka Xoolaha kula jiraa Dawlada Somaliland, Waa ganacsadaha Qudha ee Xoolaha Somaliland geeya Dalka Sacuudi Carabiya, Waxa uu Maxjar lagu baadho Caafimaadka Xoolaha Sacuudiga tagaya ku leeyahay Dekeda Berbera,taasi oo ay Macnaheedu tahay inuu ka masuul yahay Caafimaadka iyo Tayada Xoolaha Dalkeena uga baxa Sacuudiga. Waxa uu mudooyinkan dambe ku kacay Falal aad u fool xun oo ka nixiyay Xoole dhaqatada oo sidoodii kaleba ula tabaalaysan Abaartan ba’an ee ku dhafatay,Waxa uu bilaabay inuu Baahida dadka ka faa’iidaysto oo uu Neefka Adiga ah ku iibsado Qiime aad u jaba oo ka sii hooseeya $35 Dollars,Arintaasi oo muujinaysa sida aanay Xukuumaddu uga war hayn Tacadiga Ninkani Ganacsadaha ahi ku hayo Xoolaha Somaliland oo ah Khayraadka keli ah ee Dalka dibada uga dhoofa oo ay haboonayd inay Xukuumaddu il gaar ah ku ilaaliso.

Wiil Reer Somaliland ah oo lagu Magacaabo Maxbuub Abdi Ali Oo Arintani Si gaar ah ugaga hadlay Ganacsade Aljabiri oo uu ciwaan uga dhigay GANACSADE AL-JAABIRI,islamarkaana uu Shalay soo dhigay Barta uu bulshada kala xidhiidho ee Facebookga ayaa Waxa uu Xukuumadda kaga codsaday Qoraal uu dadka la wadaagay inay talaabo deg deg ah ka qaado Ganacsade Aljabiri,Waxaanu ku bilaabay sidan “Dawlada Sucuudigu sababta ay ku joojisay xoolaha Somalida waxay ku macnaysay caafimaad xumo iyo xanuuno joogto ah, waxay sheegeen inay dhawr jeer soo celiyeen xoolo si caafimaadkooda si fiican loogu soo baadho, nasiib daro se may dhicin taasi. Hadaba xaqbay u leeyihiin inay iska hakiyaan inta la saxayo. Waxaan u soo jeedin lahaa Xukuumadda Somaliland inay deg-deg wadanka uga saarto ninka carabka ah ee la yidhaa AL-JAABIRI. isagoo horeba qiimaha xoolaha oo ahaa 120$ neefkiiba, marqudha ka dhigay 35$, saababtana ku sheegay inuu caafimaadkooda baadhayo si kooto loogu xidho xoolaha dekeda ka baxa.

Waxa kale oo yidhi “tuulooyin badan oo ku dhaw 70 kana mida miyiga Somaliland Barri iyo Galbeed oo aan ku sameeyay cilmi baadhis qaadatay 45 cisho waxay isku raaceen mushkilada ku dhacday xoolahoodii inay tahay suuq xumo uu kow ka yahay ninka carabka ah ee lagu magacaabo AL-JAABIRI. bal waxaad tusaale ahaan cabirtaa qof neef xoolaha korinayay mudo 3 sanno ah oo hadana shub bariis ah u goyn waayay. ma kula tahay inay sii soconayso dhaqashada xoolaha nool oo ah tiirka koowaad ee dhaqalaha waddanka. dabargo ku yimaada waxa ka masuul ah dadka inagu haya ninkaas AL-JAABIRI”.

Waxa ay ku soo beegmaysaa Wakhti Dawlada Sacuudigu Gabi ahaanba joojisay Xoolihii uga dhoofi Jiray Dhulka Soomaalida oo ay Somaliland ku jirto.

Comments are closed