|

Dawlada Soomaaliya oo Baadheysa Xoolo laga Soo celiyay Dalka Sacuudiga

Muqdisho  13. December 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney baadhitaan ku bilowday xoolihii dhawaan laga soo celiyay dalka Sacuudiga, kadib markii Sacuudiga uu diiday xoolaha oo laga dhoofiyay Muqdisho.

XoolahaWasiirka xanaanada xoolaha dawladda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid,  ayaa sheegay in baadhitaan ay ku ogaanayaan cudurada laga helay xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ku bilaabeen dhamaan xoolahii laga soo celiyay dalka Sacuudiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arimahaasi ay gudi u xilsaareen sidii loo baadhi lahaa xoolaha, wuxuuna sheegay in natiijada baadhitaanka  kasoo baxdaa warbaahinta ay la wadaagi doonaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Sacuudiga markale dib u fasaxaan xoolaha laga dhoofin jiray gudaha dalka Soomaaliya oo dhaqaalo badan Soomaalida ka heli jireen.

Sacuudiga ayaa hakiyay xoolaha uga  iman jiray Soomaaliya, maaddaama la sheegay in cuduro laga helay xoolaha.

Comments are closed