|

Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Uu Saluugsan Yahay Siyaasada Xisbiga Iyo Qaabkii Uu U Dhacay Shirwaynihii Dhawaan Qabsoomay

Hargaysa 12. December 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa beeniyey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la baahiyey, oo sheegaya inuu ka baxay Xisbiga Waddani ee uu ka tirsanaa, isla markaana uu ku biiray Xisbiga Kulmiye.

 

tukaaleXildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey, waxa ka jira warkan laga baahiyey, ayaa yidhi “Wax alaale wax ka jiraa ma jirto in aan ka baxay Xisbiga Waddani, kuna biiray Xisbiga Kulmiye, anigu waxaan ka mid ahay Mudanayaasha Golaha Wakiilada, waxaan ahay Xildhibaan Qaran, oo Shacabka reer Somaliland oo dhan Xildhibaan baan u ahay, sidaas oo ay tahay, haddana Shacabka reer Somaliland iyo Beesha aan ka soo jeedaa meesha ay igula taliyaan ee ay u arkaan dan ayaan ku biiraya, laakiin wakhti xaadirkan la joogo waxaan ahay Waddani”.

 

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, ayaa waxa uu sheegaya in aanu ku qanacsanayn qaabkii uu u dhacay Shirkii Golaha Dhexe ee Waddani, waxaanu tilmaamay in si cadaalad daro ah uu u dhacay.

Comments are closed