Magacyada iyo Beelaha ay ka Soo Jeedaan Dufcadii labaad ee Xubnaha Magaca Somaliland Ku Galaya Aqalka Hoose ee Somalia
Muqdisho 11. December 2016 (SDN/QJ):-Qeybtii labaad ee doorashada Xubnaha magaca Somaliland ku galay aqalka hoose ee baarlamanka Somalia ayaa maalintii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa loo tartamay doorashada illaa shan kursi oo ka mid ah xubnaha aqalka hoose waxaana ku soo baxay illaa shan xildhibaan oo isugu jira rag iyo dumar.
Kursiga Beesha Habar Jeclo/Muuse Abokor ayaa waxaa ku guuleystay Aamina Cumar Jaamac oo 51 cod kaga guuleysatay halka Faa’iza Axmed Cali oo la tartameysay aanay helin wax cod ah.
Kursiga Beesha Gadabursi/Samaroon Jilibka makaahiil ayaa waxaa ku guuleysatay Feysal Cumar Guuleed oo 29 cod helay, isagoo ka guuleystay C/xakiin Cige Guuleed oo kursigan difaacanayay.
Mid ka mid ah kuraasta beesha Gadabursi, Samaroon ayaa waxaa isna ku guuleystay Cilmi Maxamuud Nuur oo helay 45 cod, waxaana uu ka guuleystay Fanaanka caanka ah Farxaan Xidig oo 6 cod kaliya helay.
Saalax Jaamac Ahmed oo u tartamayey kursiga beesha habar Yoonis/Muuse Ismaaciil ayaa isna ku soo baxay kursiga beeshiisa, isagoo helay 50 cod.
Kursiga beesha Habar-jeclo/Muuse Abokor/Reer Yoonis ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.