Xukuumadda Somaliland oo Jawaab ka Bixisay Hakintii Boqortooyada Sucuudigu ku Samaysay Xoolihii uga Iman Jiray Geeska Africa DAAWO
Hargaysa 11. December 2016 (SDN/QJ):- Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Hakintii Sucuudigu Saaray Xoolihii uga Iman Jiray ayaa waxaa ay markii ugu horeysayay ka hadashey dalka sucuudiga xoolihii loo dhoofin jiray hakad galiyey .
Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxaa uu sheegay in warkaasi yahay mid aad looga xumaado isla markaana ay arintan oo kale ay hor u dhacdey laba jeer
Muddane Cukuse waxaa uu sheegay in xanaanuda dalka Sucuudigu sheegay in ay ka heleen xoolaha Somalida ay xukuumada Somaliland cadeynayso in aanay xoolaha ka dhoofaa qabin wax xanuun ah