|

Musharixiinta Hogaaminta Ururka Midnimada Afrika oo doodahoodii  dib loo furay

Addis Ababa 11. December 2016 (SDN/QJ):- Kulankii shanaad ee gudiga heer wasiir arimo dibadeed ee  Afrika ayaa dhamaadkii todobaadkan ka furmay Magaalada addis-ababa ee dalka itoobiya.

gudiga-heer-wasiir-arimo-dibadeedKulankan oo mudo labo maalmood ah socday lana soo gebagebeeyey maalintii jimcihii doraad waxay gudiga xubnaha wasiirada ariamaha dibada ee dalalka Afrika dood iyo falanqayn la samaynayeen gudiga ururka midnimada Afrika iyagoo si furfuran ugala hadlaya kala saarista musharixiinta doonaya inay qabtaan jagda Gudoomiyanimada Ururka Midnimada afrika iyo ku xigeenkiisa, barnaamijyada mudnaanta la siinayo iyo guulihii iyo caqabadihii lagala kulmay fulintooda, halka sidoo kalena isla kulankan ka qaybgalayaasha fursad loo siiyey inay ka wada tashadaan arimo kale oo ay ka mid yihiin sida loo sii hagaajinayo hanaanka dimuqraadiyadeed iyo ka maamul wanaag ee Qaaradda.

Dr. Nkosazana Dlamini Zuma gudoomiyaha Ururka midnimada Afrika ayaa kulankaa furitaamkiisii waxay ka sheegtay in gudiga fulinta ee wasiirada arimaha dibada ee Qaaraddu uu kaalin muhiim ah ku leeyahay hirgelinta ajandaha higsiga 2063 gaar ahaan dhanka qorshaynta iyo dabogalka, iyadoo Nkazuma intaa raacisay in ugu yaraan 50 doorasho laga qabtay Qaaradda Afrika mudadii 4 sanadood ahayd ee u dambaysay, doorashooyinkaa oo ay badaankooda ku tilmaantay inay u qabsoomeen si xor iyo xalaal ah.

Mss Nkazuma waxay kaloo sheegtay in banaanbaxyada nabadeed ee dadweynaha qaaraddu ka dhigayaan meelo kala duwan oo Afrika ka mid ah inay tilmaamayaan calaamadaha madaxbanaanida siyaasadda dimuqraadiyadeed ee la gaadhay laakiin rabshadaha la xidhiidha banaanbaxyadaasi ay yihiin kuwo werwer keeni kara.

Maalintii  Jimcaha waxaa si rasmi ah Ururka Midnimada Afrika u bilaabeen dhegaysiga doodaha iyo warbixinaha ay jeedinayaan xubnaha u sharaxan gudoonka ururka midnimada Afrika, xubnahaa oo ay ugu horeeyaan Wasiirada arimaha dibada ee Kenya marwo Amina Maxamed, Siyaasiga mucaaradka ag ee Dalka Chad Moussa Faki Mahamat iyo Abdoulaye Bathily oo u dhashay Senegal, xiligana ah wakiilka qaramada Midoobay ee Jamhuuriyada afrikada dhexe.

Gudoomiyaha xiligan ee Ururka Midnimada Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa xilka ka degi doonta bisha janaury ee soo socota ka dib markii ay diiday inay mar labaad isu taagto jagada Gudoomiyanimada, waxana la hadal hayaa inay u tartami doonto Doorashada Madaxweynanimo ee dalkeeda K/Afrika oo uu xiligan Madaxweyne ka yahay odaygeedii hore Jacob Zuma.

Comments are closed