Wiil Reer Jabuuti Ah Oo Labadiisii Indhood Nolosha Lagaga Soo Saaray & Arrimaha Layaabka Leh Ee Falkaa Loogu Geystay Oo Uu Ka Warramay DAAWO
Brussels 09, Diisembar, 2016-(SDN/QJ) :– Banaanbaxyo lagaga soo horjeedo wiil Jabuuti u dhashey oo indhaha nolosha lagaga soo saaray, ayaa maalmihii u dambeeyay ka socday caasimadda Waddanka Biljam ee Brussels .
Wiilkan oo lagu magacaabo Liibaan Mustafe Xasan ayaa ka mida ahaa Xisbiga Mucaaridka ee MRD ee dalka Jabuuti kaasi oo uu ka baxay isla-markaana ku biiray xisbiga kale oo mucaarid ah, iyadoo la sheegay in wiilkaasi ay soo weerareen shakhsiyaad ka mida xisbigii uu ka tirsanaa isla-markaana ay nolosha laba indhood kaga soo rideen.
Liibaan Mustafe Xasan oo todobaadkii u dambeeyay lagu daweynayay Cisbitaal ku yaala Magaalada Buruusalis ayaa sheegay in ay indhihii ka rideen niman ay saaxiib ahaayeen oo ay ka wada tirsanaayeen Xisbiga uu ka baxay oo uu indhihiisii ku waayay arrimo siyaasadeed.
“Arrimo siyaasadeed ayaa la iiga saaray labadaydii indhood, niman aanu saaxiib nahay oo aanu soo wada halgannay ayaa i soo weeraray oo falkaasi ii geystay”ayuu yidhi Liibaan Mustafe Xasan oo Warbaahinta Soomaalida la hadlay isagoo dhakhtarka ku jira.
Liibaan waxaa uu sheegay in lagu Dilay arimo uu xisbigiisa la wadaagay islamarkaana ay masuuliyiinta ugu sareeyay ee ka tirsan xisbiga MRD ay karahsadeen. “Markaan Su’aalo xisbigii ka waydiiyay ee aan damcay meesha uu marayo inaan ogaado ayay saaxiibaday sidaasi ii garteen”ayuu yidhi Liibaan Mustafe Xasan.
Dad badan oo Somaliyeed ayaa Markii ay Dhacdadan Naxdinta leh Maqleen Waxay Liibaan Ku Booqdeen Cisbitaalka uu ilaa iyo hada ku Jiro iyadoo ay Dhakhaatiirta la tacaalaysa daawayntiisu Sheegeen inay dib ugu Celiyeen Labadii Indhood ee laga soo Saaray,Isla markaana ay tijaabin doonaan inay Sidoodii u Shaqeeyaan.