Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista oo ka hadlay Xiligii la aasaasay iyo Dhacdooyinkii ugu Weynaa ee Caqabada ku noqday Shaqadooda
Hargaysa 09. October 2016 (SDN/QJ):- Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan ka reebistu Waa Mid ka mid ah Gudiyada Somaliland ka Jira ee Kaalinta Wanaagsan ka qaata Faafinta Diinta Islaamka iyo Ka Wacyigelinta Bulshada fal kasta oo ka dhan ah Anshaxa Suuban ee Diinta Islaamku ina fartay.
Waxay Gudidani ka Hawl gashaa inta badan Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo qaybo ka mid ah Degmooyinka Dalka.
Gudidan ayaa ka mid ahayd hay’adaha Khayriga ah ee Bulshadu u Soo Xulatay inay ka Mid yihiin Ururada Saamaynta ku dhex leh Mujtamaca Somaliland waxayna Waraysi dhinacyo badan leh siiyeen barnaamijka ku dayo muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay kaas oo uu soo saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.
Sheekh C.raxmaan Maxamed C.laahi waa Gudoomiyaha Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland,Gudoomiye Ku Xigeenka Gudidan Sheekh Xaaji Cawliyo Xaaji Cumar Xaashi Guunje oo isaguna ka Mid ah hogaanka Sare ee Gudidan ayaa si qoto dheer u sharaxay Xiligii la aasaasay Gudidan,Shaqada ay qabato waxay Tahay .
Gudoomiye Ku Xigeenka Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Sheekh Xaaji Cawl ayaa ugu horayn waxa uu ka warbixiyey Wakhtigii Gudidan la aasaasay waxaanu Yidhi ‘’Waxaa Gudidan la aasaasay Sannadkii 2000’’.
Sidoo kale Xaaji Cumar Xaashi Guunje oo ka mid ah Hogaanka Gudidan ayaa ka Jawaabay aasaasayaashii Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Isagoo Yidhi ‘’ Aasaasayaashii ka mid ayaanu ahayn Shanta Xaafadood ee Hargaysa Shan qof ayaa laga doortay Waxa la yidhi Shantaas Xaafadood ee Hargaysa ay ka Koobnayd Xiligaas Mid waliba Shan nin ha soo xusho oo Odayaal ah Waxaanu Odayaashaa Gudoomiye uga dhignay Sheekhii Xaaji C.laahi Dool Ilaahay ha u Naxariistee,Gudidan Wuxuu aasaaskeedu ka bilaabmay Magaalada Hargaysa,Waxayna Shaqooyinkeedu la xidhiidhsanaayeen Sidii Wacyiga bulshada Kor loogu qaadi lahaa,Isla Markaana loogu baraarujin lahaa Wax kasta oo Wanaag ah,haday tahay Nabadgalyada,Horumarka iyo inay ka digto dhaqan kasta oo ka hor imanaya Diinteena Suuban ee Islaamka’’
Xaaji Cumar Xaashi Waxaa kale oo uu ka hadlay inay Jiraan Wax Carqalad ah oo Shaqadooda ka hor yimid ‘’Waxaan kuu Sheegi karaa tii ugu Weynayd Markii aanu dadkii Isku soo dhawaynay ee fahamkoodii meel qudha Ku Jihaynay ayaa Shaydaan ka dhex adeegay oo laga dhigay inaanu anagu Xumo wadno laga dhigay,Taasi waxay keentay in Gudoomiyahayagii alle ha u Naxariistee Xaaji Dool Habeen Madow lagala baxo Gurigiisii Sidaasna Jeelka weyn loogu Tuuray,Biyihii iyo daawadii labadiiba waa laga jaray, Wuxuu Xidhnaa Mudo dhawr iyo Toban Cisho ah waxay dawladii markaas Jirtay nalagu tidhi Kala Taga,hasa yeeshee way nagu adkaatay inaanu gacmaha ka qaadno wanaagii aanu wadnay’’
Xaaji Cumar oo iftiiminaya Sababta lagu qoonsaday ayaa Yidhi ‘’Ilaahay ha u Naxariistee Gudoomiyahayagii Wakhtigaas Xaaji Dool wuxuu ahaa Nin Ganacsade ah oo Xamar hanti badan ku lahaa waxay yidhaahdeen (Dawladii Markaas) Ninkani Wuxuu Ku Xidhan yahay Xamar iyo Somalia taas ayay ahayd Sababta loo Sibir saarayay in Gudidani sii Shaqayso, Baadhis la sameeyay ayaa Muujisay in eedayntaasi aanay waxba ka Jirin Laakiin anagu maanaan Joojin Shaqadii Socotay ee Khayriga ahayd’’
Xaajiga oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay Sidii ay dalka uga suulin lahaayeen Wax kasta oo anshaxa diinteena Suuban ee Islaamka ka hor imanaya,iyo la dagaalanka dhaqamada foosha xun ee bulshadeena la soo gelinayo Waxaanu intaas ku daray in Yoolkooda u weyni uu yahay Sidii loo fidin lahaa Wax kasta oo wanaag ah Isla markaana la isaga reebi lahaa Wax kasta oo Xumaan ah taas oo ah ayuu Yidhi aayad qur’aan ah Isagoo Intaas ku daray in Maanta ay Ilaahay ugu Mahadnaqayaan in Gudidoodani ay ka Shaqayso Magaalooyinka waaweyn ee dalka Somaliland iyo qaar ka mid ah Degmooyinka Somaliland.
Gudoomiye Ku Xigeenka Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Sheekh Xaaji Cawl ayaa la weydiiyey Cida Shaqadoodan Maalgelisa amase Taageerta Waxaanu ku Jawaabay ‘’Gacanta ugu Weyni Ilaahay xagiisa ayay ka timaadaa,Mar labaadka waxaa dhinac kasta naga taageera dadweynaha iyo dawlada oo Shaqadayda ku qanacsan inay Tahay Mid hor ilaahay ah oo aanaan Cidna waxba kaga rabin laakiin aanu u qabanayno Ilaahay dartii iyo Sidii aanu Shacabkeena Wixii u wanaagsan ugu hanuunin lahayn,Waayo baabuurta aanu wadano Shacabka ayaa Iibiyey,Shiidaalka waxaa na siiya Kaalmaha Shiidaalka lagu iibiyo,Anagu Xoog tabaruc ah ayaanu haynaa’’
Sheekh C.raxmaan Maxamed C.laahi oo ah Gudoomiyaha Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland ayaa Sheegay in Gudidoodu ay Mahadnaq u dirayaan laamaha amaanka Sida Ciidamada Booliska oo la fuliya wixii dhaqan xumo ah ee ay soo Sheegaan isla markaana mar walba u dabran wixii talooyin ah ee ay u soo Jeediyaan, Waxaa kale oo uu amaan u diray bah’da Garsoorka,Waxaa Kale oo Gudoomiyuhu u Mahadceliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ah Wasaarada dawladeed ee ay sida tooska ah u hoos tagaan,Waxaa kale oo uu amaan u diray Shacabka Somaliland oo si laxaadleh Gudidooda u taban taabiya.
Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in Gudidoodu u qaybsan tahay laba qaybood oo kala ah Qaybta raga iyo qaybta dumarka,Waxaanu Xusay in Isku Xidhnaantoodu ay Xoogan tahay isla markaana ay taasi u sahashay inay Shaqadooda Sidii loogu talo galay uga soo baxaan.