|

13 Xildhibaan oo lagala laaban doono kuraastooda, beelaha ay kasoo jeedaan DHAGAYSO

Muqdisho 09. October 2016 (SDN/QJ):-Gudigga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo cadaadis caalami ah kala kulmaya Qaramada Midoobay iyo dowladaha caalamka ayaa wada qorshe uu ku doonayo in uu liiska Xildhibaanada uga saaro xubno tuhun uu ku jiro qaabka ay doorashadooda ay ku dhacday.

 

Xubnaha la tuhunsan yahay ayaa ka soo baxay intooda badan Magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar iyadoo macquul ay tahay in intooda badan loo diido shahaadada aqoonsiga xildhibaanimada.

 

Ilo ka tirsan Gudiga Doorashooyinka ayaa Sheegay in intabadan dadka la tuhun san yahay ay u badan yihiin koox Diimeedka Damjadiid ee uu ka tirsan yahay Madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Gudiggu waxa uu ka gaabsaday tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada la doortay ee lagala laaban doono kalsoonida hase ahaatee warar hoose ayaa tilmaamaya in ku dhawaad 30 kursi ay ku lug lahaayeen musuq maasuq daran.

 

Waxaa kale oo jira xubno kasoo jeeda gobolada Koofur galbeed Soomaaliya kuwaas oo shaki uu ku jiro qaabkii ay doorashadooda udhacday, lamana hayo magacyadooda.

Liiska qaar kamid ah xubnaha lagu laaban doono Doorashadooda iyo qabiilada ay ka soo jeedaan

 

1- Mahad Maxamed Salaad                Habargidir-Ceyr

2-c Cabdiraxmaan Odowaa                 Habargidir-Saleebaan

3- Mustafa Sh Cali Dhuxulow            Murusade- Habar Ceyn

4- Saabir Nuur Shuuriye                    Habargidir-Saleebaan

5- Cabdulahi Sanbaloolshe               Xawaadle-Cali Madaxweyne

6- Cabdirisaaq Cumar Maxamed     Xawaawle-Cabdi Yuusuf

7- Cabdulaahi Macalin Nuur            Abgaal – Harti – Agoon yar

8- Cabduqadir Gaafow Maxamud   Mursade – Habar Ceyn

9- Abdixakiim Macalin Axmed        Habargidir- Ceyr

10- Maxamed Axmed Abtidoon        Habargidir – Saleebaan

11- Cali Axmed Shariif Cali Yare       Shiikhaal – Loobage

12- Cali Maxamed Cali Balcad           Hilibi Dalandole

13- Saadaq C/kariin                           Abgaal – Waceysle- Caligaaf

Comments are closed