|

Xilliga la Qabanayo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka & Madaxweynaha Somalia oo la isku raacay

Muqdisho 08. October 2016 (SDN/QJ):-Hogaamiyeyaasha madasha wada tashiga Qaran oo ka kooban madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada, maalintii labaadna kulan ku leh Muqdisho ayaa isku raacay xiliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamanka iyo Madaxweynaha Somalia.

madasha-3Shirkan oo sidoo kale ay ka qeyb galayaan wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia ayaa warar ku dhow dhow oo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in la isla meel dhigay qorshaha lagu soo gebagebeynayo doorashooyinka iyo xiliga kala guurka Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in hogaamiyeyaashu isku raaceen:-

1-In 15ka bishan la dhaariyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Somalia.

2-In 22-ka isla bishan la qabto doorashada guddoonka Baarlamanka iyo ku-xigeenadiisa.

3-In doorashada ugu dambeysa ee Madaxweynaha Somalia la qabto 28-ka bishan.

Xubnaha beesha caalamka ee taageeraya hanaanka doorashooyinka Somalia ayaa aqbalay jadwalkan cusub ee loo sameeyey qeybaha harsan ee doorashooyinka, waxaana shirkan lagu wada in gebagebadiisa laga soo saaro War murtiyeed ku aadan xaalada kala guurka ah ee dalku ku sugan yahay.

Comments are closed