|

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Dhinac Iskaga Leexiyey Xubnaha Sheegay in ay Ku Biireen Waddani Sheegayna in aanaya Matalaynin Mawqifkiisa ayaamaha Soo Socdana DAAWO

Hargaysa 07. December 2016 (SDN/QJ):- Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen ayaa sheegay in aanay ku matalin Garabkiisii Xubanaha Ku Biiray Wadani Isla markaana aanay jirin Ilaa imika Meel ay ku biireen Garab ahaam, sidaana waxa uu uu Aqoonyahan Jamaal Ku Faafiye Bartiisa Uu ku Leeyahay Barta Arrimaha Bulshada.

Jamaal-Cali-XuseenWaxaaanu ku Yidhi Sidatan:-

Waxaan ku war gelinayaa dhamaan taageerayaasha, bulsho weynta Somaliland in shirkii jaraa’id ee maanta la sameeyey ee la yidhi Garabkii Jamaal Cali Xuseen ayaa meel ku biiray aanu matelaynin mawqifkayga, iyo garabka aan hogaaminaayo.

Guddiddi aanu u igmanay wadahadaladda in ay kala jabeen; oo ay jiraan masuuliyiin ka mid ah iyo madax kale oo doonay in ay meel ku biiraan runtii may ahayn in saxaafadda ka sheegaan arrin aan laysla ogeyn.

Dadku waa kala fikrad, xorrna way u yihiin, dadkii aanu soo wada shaqaynayna xaq bay u leeyihiin in ay ku biiraan meesha ay rabaan. Maadaama ay gudiddii wadahadaladu ay kala jabeen, waa inaan anigu go’aan qaataa.

Haddaba aniga Jamaal ahaan halka aan u hogaaminaayo taageerayaashayeena waxaan soo sheegi doonaa ayaamahan soo socda inshaa allah.

Laakiin way jiri karaan shakhsiyaad

Comments are closed