|

Qaramada Midoobay “Kama Caajisi Doono Doorashada Soomaaliya Ilaa 2017ka”

Muqdisho 07. December 2016 (SDN/QJ):-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsa dalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay doorashada ku dhacdo ka hor sanadka cusub ee 2017.

 

michael-keatingSidoo kale, wuxuu ku baaqay in si dhakhso ah loo xaliyo tabashada maamulka Puntland uu ka qabo doorashada xildhibaanada aqalka sare ee gobolada waqooyi taasi oo uu ku tilmaamay inay dib u dhac kale keeni karto.

Xoghaya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating wuxuu sheegay in beesha caalamka aanay ka niyad jabi doonin doorashada haddi ay gaadho sanadka cusub ee 2017 balse loo baahanyahay in dalka Soomaaliya ay doorasho ka qabsoonto.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay saxeexaan xildhibaanada lasoo dhameystiray si ay doorashada madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka ugu gudbaan.

Comments are closed