“Muuse Biixi Ilaa Uu Ku Gabado Madaxweyne Siilaanyo Meel Ma Tago, Mar Alle Marka Uu Soo Gaadho Saldhiga Dhexe……………”Xildhibaan Xoog
Hargaysa 07. December 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka tirsan mudanayaasha aqalka wakiilada Somalilamd,isla markaan ah ka mid saraakiisha sarsare ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inaanu Muuse Biixi awoodi in uu keligii u socdaalo dalalka caalamka iyo gobolada dalka haddii aan Siilaanyo la socon, waxanu sheegay in xataa aanu keligii soo gaadhi ka garayn saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa cabis uu qabo dawgeed.
Waxa oo sheegay in uu socdaalkii gobolada bariga uu ahaa mid ollole. “Ninkan Muuse Biixi ee Musharax KULMIYE u ahina ilaa uu ku gabodo Madaxweyne Siilaanyo meel ma tago oo waa arin la soo ogaaday,ama debada ha tago ama Ceerigaabo ha tago ama Burco ha tago,mar alla marka uu soo gaadho saldhiga dhexe markaas ayuu baqaa,markaa waa in uu kaxaystaa nin reer Bari ah Siilaayon ayuu iska horraysiiyaa,ingiriiskan malaa ingirriisk cad –cad iyo wuxuu ka baqanayo mooyee xataa ilaa ingiriiska waa in uu isaga uun racaa,”
Markaa odayga waxa loo kaxaystay wax la yidhaah Siyaasad iyo wax la yidhaah ollole siyaasadeed ayuu ahaa,ollolahaa siyaasadeed dakii bakhatiyayey ayaa la yidhi si aanu raashinka idiin siino waxaad tidhaahdaan taageerayaasha KULMIYE ayaanu nahay
Dhan kalen xidhibeen C.raxman Xoog ayaa ka dereen celiyey dhawiqii qabyaaladaysan ee ka soo yeedhay wsiirada maaliyada “In la yidhaahdo Madaxweyne laba reer ayaa doortay qoyska ay ka tirsan tahay wasiirad Maaliyada Samasam Cabdi Aadan ay afbuuxa ku tidhaahdo wasiiradda maaliyadu reer kayaga ayaa idin doortay ee anaga markayga na doorta ,hagbada gacantii hore ayaanu idiinsiinee gacanta dambe anagaa leh,in ay sidaa u sheegto si qayaxana waa ayaan darro,waxaan umalaynaa odagu waa kii beri odhan jiray Madaxweynuhu shirkii ee saddex-da Xisbi qaran ee Madaxweynuhu dhex joogay waa shir beeleed.
Ugu dambayntii Xidhibaanka ayaa ka haddlay falkii foosha xumaa ee lagula kacay maalintii jimicii musharax c/raxmaan cirro“wasaaradaha wax-ba lama soo weydiyee meesha ayuu tegayaa meesha uu ku xidhanyahay,wuxuu odhanayaa ninkanu muxuu ku xidhan yahay intaas ayuun buu weydiinayaa,hubna muu sidan,wuxuu ku lee yahay oo aan aad ugu qoslay ninka wasiir ku-xigeenka Amnigu oo weliba golah wakiilada ka tirsanaan jiray,waxay ka baqeen rag faro badan oo Madax-ah.oo ciidaa ka badan “