Magacyada & Qabiilada ay ka Soo Jeedaan Xildhibaanada Gobolada Somaliland ee Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Somalia AKHRI
Muqdisho 07. December 2016 (SDN/QJ):- Doorashada Xubnaha aqalka hoose ee ka soo jeeda gobolada woqooyi oo ah Somaliland ayaa ka bilaabatay magaalada Muqdisho, waxaa lagu doortay ilaa iyo Lix xildhibaan.
Doorashadan oo amaankeeda aad loo adkeeyay Isla markaana ay ka dhex Muuqdeen Xubno Siyaasada Dawlada Federaalka Mudo ku soo dhex Jiray ayaa u Muuqata Mid laga sii Shaqeeyay
Xubnaha la doortay ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiin horay uga tirsanaa baarlamaanka, iyo masuuliyiin xilal kala duwan dalka soo qabtay, waxaana ay kala yihiin xubnaha maanta la doortay iyo qabiiladooda.
1-Maxamed Cumar Carte/Isaaq-Habar awal
2-C/raxmaan Ducaale Bayle/Gadabursi-Max’ed case.
3-Caasho Maxamuud Cumar (Koos) Gadabursi-Max’ed case.
4-Yurub Axmed Raabi/Isaaq-Arab
5-Maxamed Ibraahim Cabdi/Isaaq-Sacad Muuse
6-Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) Gadabursi-Max’ed case.
Doorashada ayaa sii socon doonta sida qorshuhu uu yahay, waxaana sidoo kale dhiman doorashada xubnaha Aqalka Sare ee matalaya gobalada Waqooyi ee dalka.