|

Wasiirkii hore Arimaha Dibada Somalia oo ku guuleystay Xubin-nimada aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia kana Soo Baxay Gobolka Awdal DHAGAYSO

Muqdisho 07. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku guuleystay doorashada xubnaha Gobollada Waqooyi ku matalaya Dolwadda Soomaaliya.

 

Beyle ayaa helay 48 Cod oo ka mid ah 52dii Cod ee ay Ergada dhiibanayeen waxaana uu ka adkaaday Musharrixiinta kala ah C/llahi Xaashi Abiib iyo  Maxamed Siciid Yuusuf oo tartanka kula jiray.

 

Beyle waxaa uu noqday Xildhibaankii 2aad ee ka soo jeeda Somaliland kuna guuleystay doorashada XIldhibaannimada aqalka hoose,waxaana kursiga 1aad hore ugu guuleystay Max’ed Cumar Carte oo hadda ah Ra’isalwasaare ku xigeenka dalka.

 

Kursiga 3aad ayaa waxaa ku tartamaya Labo Gabdhood  oo kala ah  Yurub Axmed Raabbi iyo Caasho Cabdi Xasan,waana kootada Haweenka.

 

Comments are closed