Mucjisada Eebbe: Sida ay u Nool Yihiin Laba Hablood oo Dhashay Iyagoo Jidhkoodu Isku Dhegen Yahay Cajiib!!
Hargaysa 07. December 2016 (SDN/QJ):- Indhaha caalamka waxaa soo jiitay laba gabdhood oo qayb ahaan ayagoo isku dhaggan dhashay, misana koray oo noqday dad waawayn.
Dadka waxaa ka yaabiyay sida ay u nool yihiin, sida u macaamilaan, sida ay wax u cunaan iyo sida ay magaaladaba danta uga soo qabsadaan. Ku darsoo waa darawallo, gaarigooda wata.
Jirkoodu waa isku dhaggan yahay hayeeshee qaybo muhiim ah oo xubnaha jirkooda kamid ayaysan wadaagin oo midba gaarkeed u leedahay.
Waxaana xubnahaas kamid ah:- Wadnaha, Caloosha, Sambabada, iyo lafta dhabarka.
Gabdhahan waxaa lagu kala magacaabaa Abby iyo Brittany. Waxaa la sheegaa in xaalka noocaan ah ilmaha ku dhashaa ay dhacaan waqti aad u yar, tusaale markii 200 oo kun oo ilma ah dhashaan waxaa la helaa xaalad noocaan oo kale ah.
Waxay dhammeeyeen jaamacad. Markii hore waxay doorteen inay laba maaddo kala bartaan hayeeshee waxay go’aansadeen inay ku takhasusaan waxbarashada.
Mar marka qaar si kala duwan ayaaa xanuunku u qabtaa, tusaale, Abby mar baa waxaa ku dhacay oof wareen, hayeeshee walaasheed ku dhaggan waa ay ka bad baadday.
Mar mar sidoo kale dharka waa isla xirtaan oo waxaa loo naqshadeeyay dhar gaar u ah, hayeeshee waxaa la arkaa ayagoo kaba kala nooc ah qaata.