Somaliland oo digniin u dirtay Ergada Dooranaysa Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ku matalaya Baarlamanka Soomaliya DHAGAYSO
Hargaysa 06. December 2016 (SDN/QJ):- Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay ka hadleen doorashada ka socota Magaalada Muqdisho ee lagu dooranayo xubnaha maamulkaasi ku matalaya doorashada Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Max’ed Muuse Diiriye,ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Muqdisho ku sugan ee doorashada Soomaaliya ka qeybgalaya aysan iyaga matalin sidaa darteedna ay yihiin shaqaale dalka dibaddiisa u shaqo tagay.
Xeerka iyo Siyaasadda Somaliland ee ku aaddan Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ayuu sheegay in aysan wax iska beddelin oo ay dambiileyaal ka yihiin dhanka Maamulka Somaliland.
Wasiiru dowlaha waxaa uu sheegay in xubnaha Ergada ah ee ka tagay Hargeysa ee doorashadaasi codbixinteeda ka qeyb galaya ay xidhi doonaan marka ay ku laabtaan Magaalada Hargeysa.