Taliska Booliska Oo Ka Haddlay Xadhiga Ugaaska Iyo Siyaasi Muniir + Wariye Cali Mahdi
Hargaysa 06. December 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenku guud ee ciidanka booliska Somaliland Faysal Xiis Jaamac ayaa ka haddlay xadhiga ugaas C/raxmaan Diiriye , Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo wariye Cali Jibriil Xasan,kuwaas oo ku xidhan xabsiyad magaalada Haregeysa.
Afhayeenka ciidanka booliska Faysal Xiis oo la haddlayey Tv-ga afka xukuumadda KULMIYE ku haddla ee Star Tv, ugu horayn ka haddlay xadhiga Ugaaska ,isgoo beeniyey warar sheegayay in aan ugaaska maxakamadd la horgayn,“Arintaasi waa arin waxba kama jiraan ah ninkaasi wuu xidhan yahay maxakadama waa la horgeeyey xeer illaalinta waa la horgeeyey kiiskiisana waa la qaadayaa,waxaan gacanta ku haysay xeer ilaalinta iyo maxakamadda,boolisku wax-ba ma-haysan karaan,boolisku marka uu xidhnaado 48 sacadood waxay xaq uleeyihiin in ay Maxakamadda horgeeyaan oo ay xeer illaalinta gorgeeyaan,markaa boolisku qof ma haysan karro,wuxuu u xidhanyahay sharciga Maxakamadda iyo xeer illaalintun dacwaddiis ayey haysaa,wixii ka soo baxana dib ayaa laga soo sheegidoonaa,”Ayuu yidhi Faysal Xiis
Ugu dambayntii afhayeenka ciidanka booliska ayaa ka haddlay xadhiga siyaasi Muniir iyo wariye Cali Mahdi jibriil “Waxa weeye nin-mankaa wariyayaasha ahi debi ayay galeen nin ayay dhaawac u geysteen hore ayaanu Tv-ga uga haddalnay, si wada jir ah ayey labadaa nin dhaawac u geysteen nin la yidhaah Jaamac “jiir” kiis koodii gacanta ayaa lagu hayaa Maxakamadda iyo xeer illaalinta ayuu yaalaa,wixii ka soo baxan dib ayaa laga soo sheegayaa”