Xog Waran Ku Saabsan Sababta Keentay Ololaha Qabyaalad Diid & Cabdi-Kariin Axmed Mooge
Hargaysa 05. December 2016 (SDN/QJ):-Cabdi-Kariin Axmed Mooge Waxa uu ka Mid yahay Shakhsiyaadka Doorka Muga leh ka soo qaatay hawlgaladii dib u dhiska qaranka Somaliland,Waxaa kale oo uu ka mid ahaa Dhallinyaradii Markii Dalka la Xoreeyay Sida Mutadawacnimada leh uga qaybqaatay ku baraarujinta Dhallinta ee horumarka dalkooda,Isagoo ka mid ahaa Xubno Dhallinyaro ahaa oo aasaasay Hay’ada Havayoko,C.Kariin Axmed Mooge Wuxuu Xilal ka soo qabtay Xukuumada haatan Jirta ee Madaxweyne Siilaanyo Isagoo laba Jeer loo Kala Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Qorshaynta Qaranka oo Markii danbe Iska Casilay.
Cabdi-Kariin Axmed Mooge Wuxuu dhinaca kale ka soo Jeedaa Qoys Caan ku ah Suugaanta Somalida Maadaama uu Dhalay alle ha u Naxariistee Fanaan Axmed Mooge Liibaan Isla markaana uu adeerkii ahaa Fanaaniinkii Keeno-diidka ahaa ee Maxamed Mooge Liibaan (Labada Marxuunba eebbe ha u Naxariistee) Wuxuu Markii u horaysay C.kariin Axmed Mooge si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku Muujiyey Waxyaabihii uu Bulshada dhexdeeda ka soo qabtay.
Cabdi-Kariin Axmed Wuxuu ka mid yahay ah Shakhsiyaadka loo soo Xushay inay ka Mid yihiin Haldoorka Saamaynta ku dhex leh Bulshadiisa Isagoo arrimahan iyo Kuwo kaleba kaga Warbixiyey Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.
Ugu Horayn Cabdi-Kariin Axmed Wuxuu ka hadlay Xiligii uu dhashay,Halkii uu ku dhashay iyo Deegaanadii uu ku soo barbaaray Waxna ku soo bartay Waxaanu Yidhi “Waxaan Ku dhashay Magaalada Garowe Meel 60 Km u Jirta Xili ku Siman 1974kii,Waxaan ku soo barbaaray Magaaladan aan aadka u Jecelahay ee Hargaysa,Dhinaca Waxbarashada Waxaan aqoontaydii Hoose iyo Dhexeba ku soo qaatay Dugsigii Aw Cali (Riis),Sidoo kale Waxbarashadaydii Sare waxaan qayb ka mid ah ku soo qaatay Xeryihii Qaxoontiga ee Itoobiya halka Waxbarashadii Jaamacadeed aan ku kala sameeyay Meelo kala duwan Waxaan Dalka Uganda ku soo Sameeyay Jaamacad ku taala Maaraynta Iyo Maamulka Mashaariicda,Sidoo kale Waxaan Diploma ku haystaa habka Tiknoolajiyada ee lagu maamulo Ganacsiga,Waxaa kale oo aan Shahaadadaydii Kowaad ku Sameeyay Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Dublamaasiyada’’.
Cabdi kariin Axmed Mooge Wuxuu ka hadlay Shaqooyinkii uu Soo qabtay iyo Waayo aragnimadii uu ka helay ‘’Waxaan ka mid ahaa ragii aasaasay Ururkan Caan baxay ee Hava yoko ee Geeska africa oo dhan ka shaqeeya,Waxaan ka mid ahaa dadka abaabula dhallinyarada,Sidoo kale qaar badan oo ka mid ah Ururada Bulshada ee Maanta jira Ayaan ahaa Qofkii Hal abuurkeeda iyo Maskaxdeedaba lahaa,Qaar badan oo ka mid ah waan ka soo shaqeeyay,Wixii intaas ka danbeeyay Waxaan ka soo Shaqeeyay Hay’ado badan oo Caalami ah’’
Cabdi kariin Axmed Mooge Waxaa kale oo uu ka hadlay hawlgal uu isku Xilsaaray oo Ku wajahan la dagaalanka qabyaalada Sababihii ku dhaliyey Waxaanu Yidhi ‘’Ololahani waa Olole Shacab,Waa Olole ay wadaan dhallinyaro aqoon yahan ah kuwaas oo ay dareenkooda taabatay sida ba’an ee qabyaaladu u faafayso oo ay tahay aafo qaran,Dhallinyaro is dareensiiyey in si wada jir ah looga hawl galo joojinta faafitaanka qabyaalada,Waa Hawlgal ay Dhallinyarada hogaaminaysaa ku xaqiiqsadeen in aan indhaha laga qarsan Mushkilada ay qabyaaladu ku leedahay Horumarka dalka iyo dadkaba,Markii aanu Hawsha bilawnay Waxaan ku Bilownay Xili dadku aanay wax Mushkilad ah u lahayn ku dhaqanka qabyaalada,Hal Ujeedo ayaa noo Suurto galay Sannadkan aynu sii Sagootinayno ee 2016 Taas oo ah inaanu dadka dareenkooda Xadantayno oo Hoga tusaalayno aafada qabyaalada,Guulaha Markaas soo baxay waxa weeyi in dadkii Mudanta ahaa ee Bulshada,Siyaasiyiintii,Iyo Xukuumada talada haysaaba inay dhamaantood ka hadleen oo Qireen in Qabyaaladu tahay Mushkilad weyn oo runtiina tahay in wax laga qabto,Markaa runtii Wuxuu Ololahani Soo Jeediyey Dareenkii Mujtamaca ee Markii hore aan fahamsanayn aafadan’’
Cabdi Kariin Waxa uu Xusay inay Ololahan bilaabeen Sannadkii Tegay iyadoo Shaqada ugu badan la qabtay bilihii 6,7, iyo 8aad iyadoo intii ka horaysayna ay wadeen daraasado iyo Xog ururin Waxaanu intaas ku daray inay Barnaamijkan ku daahfureen Magaalada Hargaysa iyo Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka Marka laga Tago Sida uu Yidhi Magaalada Laascaanood Iyadoo Bilowga Sannadka Cusub ee 2017 ay ka soo furi doonaan Magaalada Laascaanood.