|

Madaxtooyadda oo Markii Labaad Khaladay Mas’uulka uu Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex & Madaxweynaha oo Mas’uulkii u Horeeyay ee Xil uu u Magacaabay ka Cudur daartay ka aqbalay Istiqaaladiisa

Hargaysa 05. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tan iyo markii uu habeen hore soo Saaray Isku Shaandhayn isugu jirtay Magacaabis,Xil ka qaadis,Iyo Isku bedel uu ku sameeyay golihiisa Xukuumada & Hay’adaha Madaxa bannaan ee dawlada ayaa waxaa soo baxay Mas’uuliyiin ka Cudur daartay Xilalka loo Magacaabay.

maxamed-axmed-caalin-tiinbaroMadaxdaas Waxaa ka Mid ah Gudoomiye Cusub oo Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Gobolka Maroodi Jeex kaas oo Qoraal ka soo Baxay Laba Jeer Qasriga Madaxtooyada uu Khalad Ku Jiray Magaciisa oo Ku Saxan Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro,Waxaanu Mas’uulkan oo Madaxtooyadu Magaciisa ku Sheegtay Axmed Maxamed Caalin Tiinbaro uu Warbaahinta u Sheegay Markii Isku Shaandhayntu Warbaahinta soo gaadhay inaanu qabanayn Xilkaas.

Hadaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.

Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-

Ujeeddo:       Aqbalaad Istiqaalad

Ku:      Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)

Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex                               Hargeysa

Og:   Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                Hargeysa

Mudane,

Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.

Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

Si kastaba ha ahaatee Waa Markii Kowaad ee Isku Shaandhayn uu Madaxweyne Siilaanyo soo Saaray ay ka Cudur daarteen Xubnihii uu Xilalka u Magacaabay Taas oo Nusqaan ku ah Nidaamka Dawladnimo oo ay Waajib tahay in Mas’uulka la Magacaabayo Marka hore laga talo geliyo Xilka la rabo inuu qabto.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Comments are closed