|

Asbaabta Qaraar Ay Dawladda Somaliland Kasoo Saartay Dadka Reer Soomaaliya Ee Dalka Ku Sugan Oo Markii U Horreysay Ay Ajanebi U Aqoonsatay

Hargaysa 05. December 2016 (SDN/QJ):- Jamhuuriyadda Soomaalilaand ayaa markii ugu horreysay abid taariikhda u aqoonsatay ajaanib dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee yimaadda geyiga Somaliland isla markaana aan sifo sharci ah haysan.

cabdirashiid-beer-geel1dii Diisambar, 2016 kii  ayay ahayd markii guddoomiyaha maxkamadda Degmada Gud. Cabdirashiid Beergeel ku dhawaaqay natiijada kiis beryahaas ba laga dhur-sugayay kaas oo daarranaa nin soo-galooti ah isagu ku soo xad-gudbay dalka Soomaalilaan isaga oo aan haysan wax dal-ku-gal ah. Garyaqaan Beergeel oo maxkamadda ka hor akhriyay xukunka ay maxkamaddu gaadhay iyo sabababaha ay u cuskadeen ayaa sheegay in maxkamaddu ay ka duushay xeer lam72 oo soo baxay 1995.  Guddoomiyaha maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel oo xukunkani sida uu dhacay ka hadlaya ayaa ku bilaabay sidan;

 

“dacwadan waxaa dhibane ka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana eedeysane ka ahaa, Ismaaciil Xasan Ibraahim, da’diisuna ay tahay 40-jir, dhagaysiga dacwaddan waxaa goob joog ka ah wakiilka xafiiska xeer ilaalinta kiiskan Cabdiraxmaan Iid, waxaa goobjoog ka ahaa kaaliyaha maxkamada degmada, Ismaaciil, waxaa goobjoog ka ahaa eedeysanihii, maxkamadduna waxay ku dhawaaqaysaa kiiskan isla maanta oo dhagaysatay, isla maantana ay go’aan ka gaadhay.

 

Asbaabta Xukunka Maxkamadda

 

Maxkamadda degmada Hargeysa, markii ay u fadhiisatay maanta [markii xukunku soo baxay] oo ay bishu tahay 1/12/2016, dhagaysiga dacwada ciqaabta 939/16, maxkamaddu markay aragtay xaashida ee lidiga ku ah eedaysanaha Ismaaciil Xasan Ibraahim, ee xafiiska xeer ilaalintu usoo gudbiyay maxkamadda degmada. Maxkamaddu markay u akhriday xashida eeda ee eedaysanaha Ismaaciil Xasan Ibraahim si waafaqsan qodobka 103 ee waafaqsan xeerka ciqaabta faqradihiisa kala duwani sida ay tilmaamayaan, iyadoo lagu soo eedeeyay eedaysanaha taariikhdu markay ayahd, 21-kii bishii 11-aad 2016, abaaro 15-kii saac, inuu kasoo degay madaarka Hargeysa isagoona la socday diyaarada Jubba Airways, kana yimid magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Isagoo aan ruqsad sharciya iyo fasaxtoona aan u haysan soo gelida geyiga Somaliland, inuu madaarka Hargeysa kasoo degay sidaana lagu qabtay, C.I.D-na loo gudbiyay. Sidaana waxaa lagu soo eedeeyay inuu ku gefay xeerka socdaalka Somaliland ee xeer Lrm 72 xeerkaas oo soo baxay 1995. Qodobka 37aad xubinta 1aad faqrada K. maxkamaddu markii ay dhagaysatay jawaabta uu eedeysanahani kahor bixiyay sharciga, isagoo maxkamadda kaga hor jawaabay qiraal waafaqsan qodobada 104, 108, 149, 86 ee xeerka ciqaabta yidhina dembiga waan qabaa laygu soo eedeeyay ee soo gelida geyiga Somaliland aan kusoo galay sifo sharci darro ah. Maxkamaddu si ay usii iftiinsato sababta ku kaliftay eedaysanahan dembiga uu galay, waxa maxkamadda usoo jeediyay wakiilka ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud Cabdiraxmaan iid, in loo dhagaystay dacwadan, baadhaha kiiska si maxkamaddu u iftiinsato inta jeer uu soo maray iyo sabbabta keentay geyiga Somaliland eedaysanaha.

 

Haddaba maxkamaddu markay aragtay qodobka 70,71,72,73, 74 ilaa 79,80 ilaa 101,104,103,119 farqada 1aad, xubinta; 108,120,121,182,183,184,172 ee xeerka habka ciqaabta, sidoo kale maxkamaddu markii ay aragtay xeerka lagu gefay ee xeerka socdaalka jamhuuriyadda Somaliland xeer lm 72, maxkamaddu sidaa darteed waxay u aqoonsatay Ismaaciil Xasan Ibraahin (ina Xabiiba Macallin) oo da’diisu tahay 40-jir, laga bilaabo maanta oo bishu tahay 1/12/2016, dembiile sifo sharci darro ah kusoo galay geyiga Somaliland.

 

Waxaanay maxkamaddu soo saartay xukunkan;

 

Dambiile Ismaaciil xasan Ibraahim oo ku gefay qodobada sare ku xusan, waxaa lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah iyo Malyan ganaax ah oo wada socda

Dembiiluhu haddiiuu xadhiga iibsanayo sharcigu wuu u ogol yahay sida xeerku tilmaamayo, haddii uu xadhiga iibsado, waa in dalka laga mustaafuriyaa, oo aanu sii joogi Karin geyiga Somaliland

Xukunka waxa ay maxkamaddu ku dhawaaqday maanta oo ay bishu tahay 1/12/2016

Xukunkan waxaa loo cuskaday qodobka xeer lrm 27 ee xeerka socdaalka Somaliland iyo qodobada xeerka habka ciqaabta 70 ilaa 79, 80, 101, 103, 104, 108, 119 faqrada koowaad xubinta ah; 120, 121, 180 ilaa 184 iyo qodobka 172 ee habka xeerka ciqaabta.

Comments are closed