Xisbiga UCID Oo Doonaya In Sharciga La Mariyo Ilaalada Maayarka Laascaanood Oo Xildhibaannad Xabadeeyay
Hargaysa 05. December 2016 (SDN/QJ):-Kadib markii Toddobaadkii hore Qaar ka mida Askarta Ilaalada u ah Maayirka magaalada Laascaanood iyo Xildhibaanad Fihiima Yuusuf Cabdilaahi oo ka mida Golaha deegaanka ee Laascaanood ay dagaal gacan ka hadal ahi ku dhexmaray Goob lagu qaybinayay Raashin mucaawino ah, ayaa waxaa falkaasi cambaareeyay Xisbiga mucaaridka ee UCID.
Xildhibaanada oo hor kacaysay qaar ka mida dadka reer Laascaanood oo doonayay in loo qaybiyo raashinka mucaawino ah, ayaa waxaa ka horyimid Askarta Ilaalada u ah Maayirka degmada Laascaanood kuwaasi Xildhibaannada iyo Dadkii la socdayba ku riday Rasaas ay ugu talo-galeen inay ku kala eryaan, maaddaama oo ay diidanayeen in Raashinka loo qaybiyo reer Laascaanood, balse loo diro Dadka Abaareysan ee ka baahida badan Shacabka Magaalada Laascaanood jooga.
“Maayirkii iyo golihii deegaanku waxay isla garteen in nin waliba reerkooda kasoo xulo toban qof oo la siiyo mucaawinadaasi halkii laga doonayay inay siiyaan dadkii danyarta ahaa”ayay tidhi Xildhibaanada oo warbaahinta kula hadashay Bakhaarka laga gurayay raashinta Todobaadkii Hore.
Laakiin, Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo Xildhibaannadu ka tirsan tahay, oo Shalay warbaahinta la hadlay, ayaa cambaareeyay Xabadda lagu riday xildhibaannada iyo Dadka la socday, waxaanu Xisbigu ku baaqay in Askarta falkaasi ku kacay lasoo taago Sharciga.
“Xildhibaanka xabadda lagu riday Laascaanood iyadoo dad shacab ah taakuleynaysa waanu Cambaareynaynaa, waxaanu leenahay ninka xababda ku riday sharciga halala tiigsado, xisbiga UCID-na ka hadhi maayo, masuulkaasi xabada lagu riday”ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre.(Shabbaash).