|

Xukuumadda S.land Oo Loogu Baaqay Inay Mag-dhowdo DOONI Dad Cadhaysani Ku Gubeen Duleedka Dekedda Berbera

Badhan 05. December 2016 (SDN/QJ):-Qaar ka mid ah Odayaasha Degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa Xukuumadda ka codsaday in loo Mag-dhabo Doon Bishii saddexaad ee Sannadkan ku gubatay Duleedka Dekedda Berbera, taasi oo uu lahaa Muwaadin Magaciisu yahay Cali Ducaale Maxamed.

doon-gubatayDoontan oo Magaceedu ahaa MAKKA isla-markaana ay gubeen Dadweyne ka cadhooday Dil loo geystay Taliyihii Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil Marxuum Casayr, ayaa Odayaasha hadlay sheegeen in Xukuumaddu ballan-qaaday inay Mag-dhabeyso, laakiin aanay weli arrintaasi fulinin.

“Waxaanu nahay Ehelka Ninkii lahaa Doontii Makka ee ku gubatay Dekedda Berbera, ma naqaano waxay nagaga maqan tahay, ee Xukuumadda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa Doontii ay War-bixinteeda ogaayeen ee ballana qaadeen inay bixinayaan inay soo bixiyaan.”ayuu yidhi, mid ka mid ah Odayaasha hadlay oo uu baahiyey Telefiishanka Star.

Xubin kale oo ka mid ah Waxgaradka ka hadlay Qaddiyadan, ayaa yidhi, “Annagoo ah Odayaasha Beesha Warsen-geli, waxaanu Xukuumadda ka codsanaynaa in Ninkaa Muwaadinka ah oo markii doontiisu gubanaysay aan wax gurmad ah loo fidin in Gacanta loo soo geliyo oo loo Mag-dhabo.”

Nin sheegay in Doonta la gubay uu ka shaqeynayey, ayaa isaguna sheegay, “Doonta waxa la lahaa Ninka la yidhaahdo Cali Ducaale Maxamed. Doontu waxay gubatay Saddexdii bishii Saddexaad ee Sannadkan. Doonta ninkii ka Shaqeynayey Aniga ayuu ahaa, Muddo laba bilood ayaanu ka shaqeynayey, annaga oo doonayna inaanu meesha ka saarno, waxa noo xigtay Doontii way gubatay.” Ayuu yidhi.

Comments are closed