|

Baadhitaano Adag oo ku socda Masuuliyiin katirsan Maamul goboleedka Puntland

Garowe 05. December 2016 (SDN/QJ):-Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Cusmaan ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano lagu sameenayo masuuliyiin katirsan maamulka Puntland, oo lagu tuhmayo in xabsiyada maamulkaasi kasii daayeen dad ku xirnaa.

 

????????????????????????????????????

Waxa uu xusay Xeer ilaaliyaha in ay maqleen warbixino ku aadan in Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland ay xabsiyada si qarsoodi ah uga sii daayeen maxaabiis ku xirnaa kuwaa oo qaarkood maxkamadu ay xukuno ku rideen.

 

Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in ay socdaan baaritaano lagu hayo Masuuliyiinta lagu tuhmayo in maxaabiista si sharci daro ah xabsiyada uga sii daayeen, waxa uuna intaa raaciyay in sharciga la horkeyni doono cidii ay ku cadaato in Maxaabiis xabsiyada kasii daayeen.

 

”Waxaa socda baaritaano aan ku heyno Masuuliyiin xabsiyada kasii daayay dad qaarkood la xukumay, hadii ay cabasho ka qabaan xukunada la riday waxaa habooneed in ay racfaan ka qaatan xukunka , balse maaheyn in xabsiyada laga sii daayo, baarista socota cidii dambigaasi lagu helo cadaalada ayaa la horgeyn doonaa” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Puntland.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntlnad ayaa la sheegay in xabsiyada maamulkaasi ay si hoose uga sii daayeen maxaabiis ay ehel wadaag ahaayeen kuwaa oo dambiyo kala duwan loo xiray xukunana lagu riday.

Comments are closed