War Deg Deg ah: Xoghayihii Guud ee Xisbiga Ucid oo Maanta Shaaciyey inuu Gebi ahaanba Iska Casilay Xilkii Iyo Xubin-nimadii Xisbigaas & Guul daro uu Sheegay inay Dul Hoganayso Xisbiga Ucid DAAWO
Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):- Xoghayihii Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Ibraahin Jaamac Goo-Gooye ayaa Maanta Shaaca ka Qaaday inuu Guud ahaanba Iska Casilay Xilkii Iyo Xubin-nimadii Xisbiga Ucid.
Wuxuu Xoghayaha Guud ee Xilka Iska Casilay uu Sheegay inay ku Guul daraysteen inay Isbedel ku Sameeyo Xisbiga Ucid Isla Markaana uu Gudoomiyuhu ka dhego adaygay Sidii loo gufayn lahaa Galdaloolooyinka Xisbiga ka Muuqda Taasina aanay u Muujinayn in Xisbigu Gaadhi Karo Guusha uu Haybsanayo.