|

Wasiirka Lagu Unkay Wasaaradda Dhaqanka & Dalxiiska Iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodijeex oo Ku Gacan Saydhay Xilalka uu Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Xalay

Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):- Laba Masuul oo ka mid ah xubnaha uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilal ayaa la sheegay inay iska diideen xilalkii loo dhiibay.

Sida ay sheegayaan wararka ay Warbaahintu heshay wasiirka cusub ee wasaarada dhaqanka iyo hidaha Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Maroodi Jeex Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa ku gacan saydhay xilalka uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.

Xukuumada ayaa la sheegay inay talaabadan kaga jawaabtay ergooyin ay isla markiiba u diray  masuuliyiintan iska diiday xilalka uu Xalay madaxweyne Siilaanyo u magacaabay kuwaas oo wada hadal toos ah la furay masuuliyiintan saluugay xilalka loo gartay, ergooyinkaas oo aan ilaa hada wax natiijo ah ka keenin.

Khadar Xaaji Yuusuf Iyo Tiimbaro ayey wararku sheegayaan inay si weyn u saluugeen xilalka uu madaxweyne Siilaanyo u gartay, waxaanay wararku intaas ku dareen inay si cad u sheegeen inaanay qaadanayn xilalkaas oo ay u arkeen cad quudheed.

Labadan Mas’uul ayaa la Filayaa inay Maanta oo Axad ah Warbaahinta u soo Bandhigaan Sababta ay ku diideen Xilalkan loo Magacaabay.

Comments are closed