Wax Ka Baro Waxyaabaha ay u Taagan Yihiin Midabada Qoomiyadaha Afrikaanka ah Wejiga ku Nashqadeeyaan
Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):-Qaaradda Afrika waa goob caan ku ah dhaqanno, caadooyin, luqado iyo hannaan is qurxineed kala duwan oo ay leeyihiin qoomiyadaha kala duwan ee ku dhaqan.
Ragga iyo dumarka qabiilooyinka amma qoomiyadaha ku dhaqan qaaradda Afrika waxa ay ku kala duwan yihiin hannaanka ay isu qurxiyaan.
Hannaanka is qurxin ee qoomiyaduhu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa hab nololeedkooda, gaar ahaan habka wejiga loo qurxiyo oo ay midabo ku samaystaan waxa ay uga jeedaan waxyaabo kala duwan, sida ugaadhsi, diin iyo sababo dhaqan, arrimo dagaal amma ka cabsiinta cadawga.
Sidoo kale, waxay u taagan tahay calaamad bulshdeed oo lagu kala saaro labka, gaar ahaan wiilasha iyo ragga waaweyn, halka ay sidoo kale tahay calaamad amma summad ay kala leeyihiin ragga iyo dumarka, lagagana sooco kuwa kale ee ka soo jeeda qoomiyadaha iyo qabiilooyinka ay isku degaanka yihiin.
Midadaynta wejigu waxay u taagan yihiin xoogganaanta dhaqanka qoomiyadaha Afrika, iyadoo Qaaradda ay ka jiraan 3,000 (saddex kun) qoomiyadood oo mid kastaa ay leedahay luuqad, caado iyo dhaqan u gaar ah.
Qoomiyadaha ugu caansan qaaradda Afrika waxa ka mid ah qoomiyadda la yidhaa Zulu oo ku nool Kooonfurta Afrika, Lesotho oo ka soo jeeda dhulka dalka Zimbabwe, Masaayga oo dalka Tansaaniya iyo Kenya ku nool, qoomiyadda San Bushmen oo ku nool Botswana, Namibia iyo Koonfur Afrika, halka sidoo kale ay jiraan qoomiyadda Yoruba oo ku nool dalka Nijeeriya, Benin, Ghana iyo Togo.
Qoomiyadaha kale waxa ku jira Xhosa (Xawsaha) oo dega degaannada Koonurta Afrika, Hausa oo ku nool Nijer, Gabon, Burkina Faso iyo Cameroon, qabiilooyinka Himba oo Angola iyo Namibia ah, Borana iyo Oromo oo degen Itoobiya iyo Kenya, Jalenjin oo Kenya, the Chaga oo Tansaniya ah, Fulani oo Nijeeriya, Guinea, Sudan iyo Sengal ku nool, Soomaalida oo ku nool Soomaaliya, Somaliland, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.
Haddaba, quruxda wejiga ee midabadu waxa ay inta badan ka sameeyaan dhooqo oo siyaabo kala duwan ay midabaynta ugu sameeyaan, gaar ahaan inta badan ay ka diyaariyeen dhir kala duwan oo la qallajiyey.
Waxa qoomiyad kasta u samaysataa astaan u gaar ah, tusaale ahaan midabka Madawga waxa loo isticmaalaa inuu muujiyo awood, shaydaan, dhimasho iyo waxyaabaha khuraafaadka ah, halka midabka dameeriga ah inta badan loo isticmaalo ammaanka, awoodda maamul, qaan-gaadhsnimo iyo degenaansho.
Midabka basalliga ah waxa uu u taagan yahay boqortooyo, qurux, xikmad iyo dulqaad, halka huruudda ay u taagan tahay farxad, tamar iyo dhiirannaan. Midabka casaanka ah waxa loo isticmaalaa khatarta, jacaylka, degdega iyo tamarta, halka midabka buluugga uu u taagan yahay nabad, degenaansho, kalsooni iyo kalgacal. Midabka cagaaran waxa loo isticmaalaa, una taagan yahay dhaqannada Afrikaanka waa nolol, koriin, cusayb iyo ladnaan amma bogsasho, halka caddaanku uu u taagan yahay rajo, nadiif iyo iftiin.
Dhulka Afrika oo lagu tiriyo inuu yahay halka ay ku noolaayeen tafiirta bani’aadamku, waxa jira astaamo kala duwan oo ay qoomiyaduhu u isticmaalaan taariikhadooda, inta badana qaar ka mid ah loo yaqaanno in ay barakaysan yihiin, khaasatan lo isticmaalo arrimaha diinta marka loo dabbaaldegayo.
Galbeedka Afrika waxa laga isticmaalaa oo qoomiyadaha Akan iyo Asante ay isticmaalaan calaamad ay u yaqaanaan “Adinkra”. Calaamadan waxa inta badan laga helaa dalka Ghana, wejiyada ayaanay ku qurxistaan dadku, waxaanay ka kooban tahay xarriijimo dhaadheer oo si qurux badan loo nashqadeeyey.
Qoomiyad ahaan way kala sarreeyaan dadku, qofka awoodda maamul iyo xishmadeed ee uu yeeshaa waxay u keentaa inuu wejigiisa aad u sii nashqadeeyo. Qaar badan oo ka mid ah waabay ku tuntaan calaamadaha wejiga oo waligood kama ba’do, balse waxaas oo dhan waa waxyaabo aanay badanaa isticmaalin qoomiyadda Soomaalidu, maadaama ay yihiin bulsho islaam ah.
Xigasho :Xafiiska Maankaab