Qiimaha Shidaalka Adduunka Oo Kor U Kacay, Ka Dib Heshiiskii OPEC
Jidaha 04. December 2016 (SDN/QJ):-Ururka OPEC oo ay ku mideysan yihiin Dalalka Adduunka ee soo saara Shidaalka, ayaa kulan ay yeesheen Shalay waxay ka soo saareen Go’aan saamayn ku yeelanaya Adduunka oo dhan.
Dalalka ku mideysan OPEC, ayaa Go’aan ku gaadhay inay muddo 8 Sannadood ah hoos u dhigaan Wax-soo-saarka Shidaalka, si hoos u dhaca qiimaha Shidaalka Adduunka Xal loogu helo isla-markaana uu kor u kaco Qiimaha Shidaalka la kala siistaa.
Maxamed Bin Saalax Al-saadah oo ah Wasiirka Batroolka ee Dowladda Qadar, ahna Guddoomiyaha Ururka OPEC, ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladaha shidaalka soo saara ay isku raaceen in la dhimo maalin walba 1.2 Milyan oo Barmiil oo Shidaal ah, si suuq wanaagsan loogu helo dahabka madow ee ay soo saaraan dowladaha dhaqaalahoodu uu ku tiirsanyahay Shidaalka.
Go’aanka OPEC ka dib, waxa markiiba sare-u-kac ayaa laga dareemay sayladaha shidaalka ee Adduunka, waxaana la sheegay 8.4% uu sare u kacay qiimaha shidaalka gaar ahaan Baasiinka.
Sucuudiga oo ah Dalka ugu soo-saarka badan Shidaalka Adduunka, ayaa ballan-qaaday inuu dhimayo 500 oo kun oo foosto Maalin walba, halka Ruushka oo aan xubin ka ahayn Opec uu sheegay inuu wax-soo-saarkiisa Shidaalka ka dhimayo 300 oo kun oo Barmiil.
Wararka ayaa sheegaya in heshiiskaasi sababay in Ciraaq oo illaa 1990-kii qiimaha Shidaalkeedu dhulka yaalay ay markii u horeysay halka foosto gaadhay $ 49 doollar.
Magaalooyinka London iyo New York ee Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa qiimaha Shidaalkoodu gaadhay meel sare.