|

Wasiirka Biyaha Oo Laga Hor Istaagay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Shalay Madaxtooyada Ka Dhacay + Wasiirro Kala-Ladqabeeyey Isaga Iyo Ciidankii Ilaalada

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada biyaha Somaliand Baashe Cali Jaamac ayaa waxaa ay ciidanka ilaalada madaxtooyadu ay ka hor isagateen in uu gudaha u galo xarunta madaxtooyada.

baashe-wasiirCiidanka ayaa wasiirka ku amrey in baadhitaan lagu sameeyo ka hor inta aanu gudaha u galin madaxtooyada oo uu maanta ka dhacaayey shirkii golaha wasiirada oo khamiis kasta dhaca

Baadhitaanka wasiirka ay ciidanku ku war galiyeen ayaa sida aanu xogaha ku helayso uu wasiirku ku gacan seydhay isla markaana muran xoogani ka dhex dhashay isaga iyo ciidanka ilaalada madaxtooyda .

Xubno wasiiro ah oo ay ka mid yahiin wasiirka Warfaafinta iyo gaashandhigu ayaa waxaa ay kala dhex galeen muranka cakiran ee hakiyey habsami u socodkii gali taanka madaxtooyada waxaana xoguhu intaas ku darayaan in uu wasiirkii dib uga laabtay madaxtooyada oo aanu ka qeyb galin shirkii golaha wasiirada

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegsaa xilli uu dhawaan wasiirkani dhaliilo xoogan u soo jeediyey wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Comments are closed