|

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Walaac Ka Muujiyay Sababta Masuuliyiin Mansabyo Sare Ka Hayay Xukuumadda Siilaanyo Ay Xilal Ugu Doonteen Xamar

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa ka hadlay masuuliyiin xilal ka hayey Xuukuumadda Siilaanyo oo xilal u doonta Maamulka Xamar ka Arimiya,isagoo Xuumadda KULMIYE ku eedeeyey in ay iyadu sahan u diratay masuuliyiintaa Xamar tegay,isagoo sheegay in ay wax lala yaabo tahay in masuuliyiintii xilalka Qaranka Xukuumadda KULMIYE uga sareeyey ka hayey ay si is-dabajooga ah Xamar ugu socdaan,waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu maanta xarunta guud ee Xisbiga WADDANI kula haddlayey war-baahinta

uurcade“Waxay umaddu is weydiinaysaa laba mid, ma xukuumaddan Somaliland ayaa ceelalyo u dirsatay , madaxdan qaranku lahaa ee Xamar tagtay oo iyaga ayaa Sahan u dirsaday oo diray oo og, ilayn iga ayey u shaqaynayeen oo Xukuumaddooda ayey ka tirsanayeene,Ma Xukuumadda Soomaaliyada wadda haddalka ay kula jireen ayaa ka badisay oo fadhataysatay oo ka fadhataynaysa dadkeedii oo Xamar geynaysa,halkan waxaynu ku ogayn dad u shaqataga oo masaakiin ah oo shaqo haynin oo sida ay ugu shaqatagaa Jabuuti ama itoobiya ama Yurub u shaqo taga waa caadi xukuumadda taa kuma dhaleecaynayno,lakiin waxaanu la yaabanahay xilalkii qaranka ugu sareeyey Ragii hayey oo si is-dabajooga uu maalin-ba mid u tegaayo Xamar,waan wadda ogahay oo waxaan qarinaayo maaha anigu cid soomaali weyn tegaysa iyo cid ku socota Nin qarinaya ma ihi”Ayuu yidhi Xoghaye Maxamed C/laahi Uurcade.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed C/laahi Uurcade oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay saraakili Xilal ka hayey Xukuumadda KULMIYE ay xamar tageen,waxaanu taxay magacyada qaar kamid masuuliyiinta xukuumadda kulmiye ee Muqdisho tegtay”waxa ugu dambeeyey oo kamid ah oo haddadaa aad arkaysaa KULMIYE Ragii ugu fir-fircoonaa ayaa tegay oo xilalka ugu sareeya ka qabtay,waad baadhitoontaan waad helaysaan,markay soo noqdeen Somaliland xilalka ugu sareeya ka qabtay,agaasimayaashii guud ayaa tegay ,waxa tegay garyaqaankii guud ayaa tegay,waxa tegay maareeye ku-xigeenkii Tv-ga Qaranka ,waxaas oo dhammiba qaranka ayey u shaqaynayeen”Ayuu Yidhi Maxamed C.laahi Uurcade

Ugu damabayntii Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed C/laahi Uurcade ayaa tooshka ku qabtay hab dhaqanka qabyaaladeed ee Xukuumadda KULMIYE ragaadiyey “Wasiiradii ayaa laba u qayb-samay qayb ka saraysa wasiirada kale oon cidina bedelin cidina aanay la haddal ummaddana inta kale ka wadda saraysa,iyo in qabyaalad ahaan amarkii looga qaadan la’yahay oo shaqaalahoogii amarkii ka qaadan la’yihiin iskadaa cid kaloo oo hawshii qaranku u igmaday guddan karri l’a qabyaalad awgeed,sida uu cadeeyey wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac oo runtii ah marka taariikhdiisa la eego nin Mujaahid ah oo ilaa Baligubadle qaranka la soo halgamay.

Comments are closed