|

Madaxweynaha la Doortay ee Maraykanka Donald Trump oo Hantidiisii Gaar ahaaneed Iska Wareejinaya Iyo Wuxuu ku Sababeeyay

Washington 02. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu faraha kala baxayo ganacsigiisa si aanay u dhicin inay Isku dhacaan Hantidiisa Gaar ahaaneed iyo Ta Dalka Maraykanka, marka xukunka uu la wareego 20-ka bisha January ee sanadda 2017.

 

donald-trump-scotla_677506cTrump oo la filayo inuu noqdo madaxweynihii ugu taajirsanaa ee Mareykanka, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu wareejin doono maamulka hoteeladiisa, garoomada ciyaarta goolafta, xeebaha dalxiis iyo alaabta magaciisa lagu soo saaro.

 

real-estate-portfolio-3Trump waxa uu sidoo kale Sheegay inuu wareejin doono dhismayaal u dhigma balaayin dollar oo ku yaalla Mareykanka iyo 18 dal oo kale.

 

Trump iyo hantidiisaSharciga Mareykanka qasab kama dhigayo in Trump uu hantidiisa wareejiyo, hase yeeshee waxa uu sheegay inuu dareemayo inay tani muhiim tahay si aysan isaga horiman danta ganacsigiisa iyo tan dalka,Warku Wuxuu intaas ku darayaa in la filayo in Madaxweynaha la doortay uu hantidiisa Ku Wareejiyo Maamulkeeda Caruurta uu dhalay.

Comments are closed