|

Sababtii Keentay bur burka Diyaarad siday Ciyaartoy kasoo jeeda dalka Brazil oo la shaaciyay

Colombia 02. December 2016 (SDN/QJ):- Baaritaano horu dhac ah oo lagu sameeyay sababta keentay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalka Colombia kuna dhinteen dad gaaraya 76 qof ay ku jiraan ciyaartoy badan ayaa la ogaaday in ay ka dhalatay shidaal la’aan diyaarada lasoo daristay.

 

colombia-plane-crash-71-dead-on-brazil-soccer-team-039-s-charter-flight_1480483954War kasoo baxay Dowlada Colombia ayaa lagu sheegay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in sababta diyaarada u bur burtay ay aheed shidaal la’aan lasoo daristay diyaarada xili ay dooneysay in ay cago dhigato garoon kuyaala magaaladii ay kusii jeeday.

 

Madaxa hay’adda duullimaadyada dadwaynaha Alfredo Bocanegra ayaa sheegay in baaritanada la sameeyay lagu ogaaday in diyaarada aysan wax shidaal ah ku jirin xiliga ay dhaceysay, waxa uuna intaa raaciyay in wali sii socdaan baaritaanada shilkan waxa sabababy ku aadan.

 

Freddy Bonilla oo ka tirsan masuuliyiinta hay’adda duulimaadyada dadwaynaha dalka Colombia ayaa sheegay in sharcigu uu cayimay in diyaaraduhu ay wataan shidaal dheeri ah oo ay sii isticmaali karaan soddon daqiiqo si ay garoonkale ugu dagi karaan haddii xaalad dagdag ah ay timaado.

 

Baarayaasha shilkan diyaaradeed ayaa dhageestay xod la sheegay in laga dhexmaqlayo duuliyaha oo dalbanaya in loo ogolaado in uu si dagdag ah u dago ayna haysato shidaal la’aan iyo cilad kale.

 

Diyaarada ku bur burtay dalka Colombia ayaa siday rakaabka gaaraya 81-qof, waxaana dadka dhintay ku jiray ciyaartowda koox kubada cagta ah oo ka dhisan dalka Brazil ,Wariyaal iyo qaar kale oo kamid ah shaqaalaha kooxdaasi.

Comments are closed