|

‘’Hadii Hal Shilling la igu Helo anigaa Jeelka is Gaynaya,Cali Mareexan Isaga Iibsaday Daamurkii Aan Wadada U Dalbay, Waa Ceeb Xiligan In Olole Siyaasadeed la sameeyo in Dadka Loo Gurmado ayaa Haboon,Laakiin Waa Inoo Barwaaqa & Cida Burco igaga Awood badisa’’ Hogaamiye Xirsi Cali X.Xasan DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si qoto dheer u faahfaahiyey Kormeer ay ku soo mareen Deegaano badan oo ka Tirsan Gobolada bari ee Dalka oo ay ka Taagan tahay Xaalad abaareed Waxa uu Xirsi Saluug ka Muujiyey qaabka looga hawl galay Gurmadka dadka iyo Duunyada.
Waxaa kale oo Xirsi Cali X.Xasan Jawaab ka bixiyey Hadal dhawaan ka soo Yeedhay Wasiirka Hawlaha Guud oo Sheegay inuu la wareegay dayn badan oo dhinaca Wadooyinka ah .

Xirsi CaliHogaamiye Xirsi Wuxuu cadeeyay inuu Isagu Xilka Waddooyinka Somaliland ku wareejiyey Wasiirka Madaxtooyada Isagoo intaas ku daray inuu diyaar u yahay in Baadhis buuxda la sameeyo Isla markaana uu Isagu Jeelka is gaynayo hadii lagu helo Wax Musuq Maasuq ah halka uu Sidoo kalena Xusay in Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Mareexaan inuu Iibsaday Daamurkii Waddadaas loo dalbay Waxaanu dalbaday in la sameeyo Odhad (Hanti dhawr Madax bannaan) Si ay u soo baxdo Koodii Musuq Maasuq Sameeyay.
Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Somaliland haatana ah Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Waxaa kale oo uu ka falceliyey Kulan Madaxweyne Siilaanyo Magaalada Burco kula Yeeshay Odayaal ka Tirsan Beesha Axmed Faarax oo uu kaga Codsaday inay Taageeraan Murashax Muuse Biixi Cabdi.
“Aniga Shilin Wadada Ceerigaabo Igama Leexan Oo Waan Ka Dhaaranaya, Cali Mareexan Isaga Iibsaday Daamurkii Aan Wadada U Dalbay, Odhad Madaxbanan Halagaliyo Kaayaga Musuq Maasuq Ku Soo Baxo”Hoggaamiye Xirsi.

Comments are closed