|

Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Ka Gubtey Hadal Ka Soo Xisbiga Waddani oo Ugu Baaqay Ehelada Marxuun Isku dhex dal dalay Saldhiga Magaalada Berbera inay Dacwad ka dhan ah Wasiirka Caddaalada furtaan & Dulucda Jawaabcelintiisa DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaarada Caddaalada Somaliland Axmed Faraax Cadare,ayaa ka gubtey hadal gantaal ah oo ka soo yeedhey xisbiga WADDANI,taasi oo ahayd in dacwad ka dhan ah wasiirka laga gudbiyo.

Xisbiga WADDANI oo warbaahinta la hadlayey ayaa ugu baaqey ehelada maxbuus isku dhex del-deley xabsiga weyn ee magaalada Berbera in ay ka gudbiyaan dacwad ka dhan ah Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Axmed Faraax Cadare.
Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun,oo ka mid ah mas’uuliyiinta sar-sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,oo qaybo ka mid ah warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargysa ayaa si kulul u weerarey wasiirka wassaaradda cadaaladda Somaliland Mr.Cadarre,waxaana uu ku weerarey wasiirka hadal maalintii shaley ka yeedhey wasiirkaasi,kaasi oo ahaa in uu saldhigga degmada Berbera uu isku dhex del-deley maxbuus,kaasi oo uu ku sheegey in uu ahaa nin madaxa ka jiran.

Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun,ayaa ugu baaqey eheladda ninkaasi isku dhex del-deley in dacwad ku dhan ah wasiirka caddaaladda ku furaan.
Halkan ka Daawo Baaqa Xisbiga Waddani u Diray Ehelada Marxuunka

Dhinaca Kale Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Axmed Faarax Cadare ayaa si adag uga Jawaabay Hadalka ka soo yeedhay Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Comments are closed