Sahal Cabdi: Wiil Qoyskooda Musharrax Cirro Kafaalo-qaatay, Xaaladdii Laba Sano Ka Hor, Is-beddelka Maanta iyo Booqashadii Cirro
Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Sahal Cabdi Ibraahim oo ah wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoys danyar ah, ayaa lugahiisa ku soo booqday guriga guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo markii hore wiilkaas dhallinyarta ah oo lugaha naafo ka ah hore ugu soo booqday gurigooda oo ku yaala xaafadda DAAMI ee magaalada Hargeysa, balse hada ka bogsaday xanuunkii kaga dhacay lugta qalniino bilaasha oo ay dhakhaatiirtu u sameeyeen awgeed.
Wiilkan dhallinyarta ah oo ah wiil Agoon ah isla mar ahaantaana ay walaalo yihiin Sideed caruura, ayaa booqashadiisan waxa ku wehelinaayey Hooyadii Saado Diiriye Dubbe iyo weli ba sida oo kale xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ay ka soo wada jeedaan beelaha Gabooye sida oo kale na goob joog ahaa wakhti ku siman laba sanno ka hor oo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) uu wiilkaas yar ku soo booqday gurigooda sida oo kale na uu wakhtigaas gaadhsiiyey deeq raashin ah.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo markii wiilkan yari soo booqday ku sugnaa gurigiisa , ayaa markii uu arkay wiilkaas dhallinyarta ah, waxa uu fadhiga uga soo kacay si uu u qaabilo, isaga oo ku qaabilay soo dhaweyn dareen taabasho iyo mid farxaddeed ba leh, waxaana uu ka dhunkaday Madaxa iyo labadiisa dhaban, sida oo kale na uu soo gashaday laabtiisa isaga oo madaxa u salaaxaya, maadama oo wakhti hore ay iskugu dambeysay wiilkaas dhallinyarta ah.
Is-xaal waraysi dheer ka dib oo uu guddoomiyahu la yeeshay qoyskaas danyarta ah, waxa ay u sheegeen in xaalkooda nololeed uu aad u hooseeyo isla mar ahaantaana ay noloshoodu marayso xaalad aad u daran oonay haysanin cid ka kaabta dhaqaalaha yar ee qoysku u isticmaalayaan noloshooda, waxaana isla goobtii ba si kedis ah oo mar kale dareen farxaddeed iyo naxariis ba wata uu guddoomiyahu hortooda uga ga dhawaaqay in uu balan-qaadayo in uu bil kasta uu jeebkiisa ka bixinaayo Masruufkooda Nololeed.
Hooyo Saado Diiriye Dubbe oo ah hooyada wiilkan yar dhashay, ayaa si dareen taabasho leh, waxa si farxad ka muuqato ay ugu jawaab celisay guddoomiye Cirro, iyada oo Alle uga bariday in Uu If iyo Aakhiro ba khayr ugu bedelo culayskaas nololeed ee Hooyo ahaan uu ka furtay, maadaama ay ahayd Hooyada kaliya ee u rafaadi jirtay caruurtaas Agoonta iyo Danyarta ba ah. Waxa kale oo ay Hooyo Saado Eebe ay ka bariday in Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uu ku guuleeyo sida oo kale na uu u rumeeyo hadafkasta oo uu lee yahay.
Ugu dambeyntii, Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ah xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI, ayaa isna dhankiisa si dareen taabasho leh uga hadlay siddii Murashaxa Madaxweynaha WADDANI uu u qaabilay wiilkaas iyo Hooyadaas danyarta ah.
“Laba sanno ka hor ayaanu ku booqanay Sahal iyo hooyadii Saado gurigooda Hargeysa ee xaafadda DAAMI jooga, Sahal wakhtigaas lugta ayuu naafo ka ahaa muddo 5 sanno ah waana wiil dhallinayro ah oo Agoon ah, wuxuu la dhashay 8 caruur ah isagaa wiilasha u weyn. Sahal iyo hooyadii Saado soo booqdeen Murashax Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Cirro, si milgo iyo sharaf leh ayuu gurigisa ugu qaabilay waxaanu ugu bishaareeyey kulankoodii kadib markii uu xaafadooda darsay in biilka agoonta isagu guudka u ritay Sahal yarana waxbarashadisi sii wato.”.Ayuu Barkhad Jaamac Xirsi Batuun.