|

MUQDISHO: Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Beelaha Sacad Muuse Oo Isku Haysta Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya & Dhaleecayn loo Soo Jeediyey Raysal Wasaare Xigeen Maxamed Cumar Carte

Muqdisho 29. November 2016 (SDN/QJ):-Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Beelaha Sacad Muuse,  ee ka qaybgalaya Doorashada Baarlamaanka Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhex dhashay isqabqabsi u dhaxeeya Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Siyaasiyiinta kale ee u tartamaya Kuraasta Aqalka Hoose iyo sare.

maxamed cumar carteQoraal ay soo saareen Waxgarad iyo Xildhibaano ka mida siyaasiyiinta ka qaybgalaya doorashada dalkaas ayaa lagu sheegay in Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte uu wax la doonayo reer uu kasoo jeedo oo u tartamaya Xildhibaanada Aqalka Sare.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Maxamed Cumar Carte uu doonayo in aqalka hoose-na ay u tartamaan Xubno ka soo jeeda Beeshiisa, taasi oo siyaasiyiin badan kasoo Horjeesteen isla-markaana ku diideen Go’aankaasi Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Qoraalkaasi oo ay ku saxeexan yihiin afar xildhibaan oo kala ah 1. Cabdi Xaashi Cabdulahi, 2. Sh Axmed Koosaar Cilmi, 3. Jaamac Axmed Maxamuud, 4. Bushaaro Cabdi Diiriye ayaa lagu socodsiiyey Guddida Doorashooyinka dadban ee heer maamul, iyadoo ogeysiina la siiyey Guddiyada kale ee la xidhiidha hawlahaasi.

Comments are closed