|

Waa Maxay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Cuntooyinka Dufanka Leh Iyo Caqliga ?

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Dhibaatada ay leeyihiin Cuntooyinka dufanka badan leh ee la cunaa, kuma koobna oo kaliya Buurnida dheeraadka ah, balse waxa buurnida ka sii darran in cuntooyinkaasi ay saamayn ku yeeshaan Caqliga.

 

cuntooyinka-dufanka-badanHaddaba waxa la xaqiijiyay in Ubadka iyo da’yarta isticmaala cuntooyinka uu dufanku ku badan yahay ay hoos u dhacaan fikirkooda iyo waliba firfircoonidoodu, sidoo kale waxa la xaqiijiyay in cuntooyinka uu dufanku ku badan yahay ay qofka aadka u cuna ku keenaan dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah, waxaannay culimada cilmi nafsigu ku sheegaan inuu la kulmo qofkaasi xaalad nafsiya.

Jarriirada caalami ah oo ka faaloota arrimaha caafimaadka oo Wargeyska Himilo, kasoo xigtay ayaa waxay soo bandhigtay warbixin ay soo saareen dhakhaatiir ka socda dalalka Switzerland iyo France, waxaana warbixintaasi lagu cadeeyay in cuntooyinka dufanku ku badan yahay ay waxyeeleeyaan Protiinka loo yaqaan Reelin oo ah mid ka mida isku xadhiyaasha ugu waaweyn ee isku xidha neerfayaasha loo yaqaan Synapses ee maskaxda si ay shaqadooda ugu guttaan si bad qabta, Neerfayaashan ayaa waxa ay isku xidhaan oo ay ku jiraan habdhiska-Neerfayaasha ee maskaxda.

Dhinaca kale, qofka badsada cuntooyinka ay dufanku ku badan yihiin ayaan si degdeg ah waxba u fahmin halka qofka cuna cuntooyinka uu dufanku ku yar yahay uu ka fahmi ogyahay qofka badsada cuntooyinka dufanka badan.

Haddaba, marka aynu u eegno dalkeena Somaliland ayaa waxa aynu had iyo jeer cuna cuntooyin aad uu ugu badan yahay dufanku markaa ma  la odhan karaa cuntooyinkaasi saamayn caafimaad ayey dadkeena ku yeesheen gaar ahaan dhinaca xannuunada Nafsiga ah !

Comments are closed