Madaxweynaha Raashiya oo Xilalkii ka Xayuubiyey Madax Tiro badan oo ka Tirsan Laamaha amaanka & Madaxtooyada iyo Asbaabta keentay
Moscow 29. November 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa xilkii ka qaaday mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Xukuumadiisa una badan hay’adaha dhanka ammaanka iyo madaxtooyada.
Madaxweyne Putin waxa uu xil ka qaadis ku sameeyey saraakiil ay ka mid yihiin afhayeenkii Madaxtooyada, madaxii hogaanka diiwaangelinta ee hogaanka amniga Federaalka, madaxii akademiyada culuunta ruushka iyo saraakiil kale oo u badan Wasaaradaha difaaca iyo Arimaha Gudaha.
Xil ka qaadista saraakiishan sare ee ammaanka ruushku waxay ku soo beegantay xilli ay Ciidamadaruushka dagaal kaga jiraan dalalka suuriya iyo Yukrayn, sidoo kalena ay maalinba ta xigta cirka isku sii shareerayso xiisada millateri ee ruushka kala dhexaysa gaashaanbuurta Nato.