Baadhis Caafimaad Oo Daah Furtay Sababta Raggu U Cayilaan Marka Ay Guursadaan, Gaar Ahaan Xaydha Caloosha
Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Qormadan caafimaadka ee maanta waxa aan ku eegi doonaa cayilka caloosha ee raggu isku arkaan khaasatan guurka ka dib.
Buurnimada/Cayilka wuu sadax jibaarmaa guurka kadib, ragga iyo dumarkaba way cayilaan, laakiin qaabka ay u cayilaan ayaa kala duwan, ragga qaar waxay badanaa ka cayilaan caloosha, dumarkuna bowdyaha iyo naasaha ama qaarka sare guud ahaan.
Waxaa hore u jiray fikrado laga aaminsanaa inuu cayilka iyo hormoonada jinsiga uu xidhiidh ka dhaxeeyo, laakiin cilmibaadhis lagu sameeyay in ka badan 17,000 oo rag oo caloosha ka cayilay markay guursadeen ka dib waxaa la ogaaday inaanay cilladu ahayn hormoonada jinsiga, laakiin sababtu ay tahay waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin:
-Ragga qaarkood oo aanan muuqaalkooda ka fakarin guurka ka dib, maadaama ay heleen qoftii ay nolosha la wadaagi lahaayeen.
-Ragga oo ay hortaallo mas’uuliyad ballaadhan oon hore u jirin, taasoo waqtiga badankiisa uu u dhaxeeyo shaqada iyo guriga, halkaasna uu ku waayay waqtigii jimicsiga ama ciyaarta iyo guud ahaan firaaqadii dhallinyaranimo ee socodka u badnaa.
-Cunnada oo lagu nasto ama lagu jiifsado, sababtoo iyadoo la daalan yahay ayaa cunnada la cunaa, kadibna waa la jiifsadaa ama TV ayaa la daawadaa, taasi waxay ka qeyb qaadanaysaa in baruur badan jidhka lagu keydiyo.
-Xaaska oo si hagar la’aan ah cunnada ugu karisa ninkeeda si ay u qanciso ama uga farxiso iyadoo mararka qaar aan ka fakarin cunnada nooceeda iyo inay isku dheelli tiran tahay.
-Xaaska oo badanaa soo faragaliso xilliga jimicsiga, taasoo ragga badankood ay sheegeen in hadduu waqti jimicsi soo baxo in howlo kale lagu mashquuliyo ama xaaska oo doorbidaysa in lala joogo inta Gym-ka aad ka tagi lahayd.
Waxay cilmi-baadhisahani tilmaamayaan in raggani ay badanaa ku faraxsan yihiin noloshooda, niyaddane u dagan tahay, oo aanay qaaarkood wax dhib ah u arkin qaabka nolosha ay ku jiraan taasoo keenta in niyaddaasi degani ku keento buurni iyo cayil.
Talo:
Caafimaadku wuxuu ku jiraa cunno isku dheelli tiran iyo jimicsi joogto ah, jimicsigaas oo isugu jira lugo-baxsi, guclayn, xadhig-ka-bood ama dabbaal iyo socod in uu qofku lugeeyo oo ah jimicsi habboon.
Qasab ma ahan in aad jiim (Gym)-ka tagtid, waana muhiim in saaxiibadaada aad isla jimicsataan, taasi waxaad ku helaysaan caafimaad wanaagsan, kalgacalkiinuna wuu ku kordhayaa.
Waa Maxay Cayilka Xad Dhafa Ka Ahi (Buurnimada)?
Cayilka xad dhaafka ahi waa cudur. Waana marka qofka baruurta fara badani korto ee qofka culayskiisu noqdo xad dhaaf. Waxa ugu wayn ee keena cayilkan cudurka ah waa qofka oo cuna cunno badan iyadoo dhaq-dhaqaaqisuna yar-yahay. Cudurka cayilku wuxuu wax yeelaa wadnaha, sambabda, xubnaha laabma, iyo lafaha. Cudurka cayilku waxa laga yaabaa in aad is dhaawacdo oo xubnahaaga laabma iyo lafaha wax is yeesho waxaana laga yaabaa in uu ku dilo ood u dhimato.
Waxyaabaha khatarta naftaada gelinaya ee cudurka cayilku keeno waxa ka mid ah:
• Dhiig-karka:
• Sonkorta ama kaadimacaanka
• Cudurrada wadnaha sida wadno joogsiga:
• Faalijka:
• Neefta (Xiiqda)
Sidee Laysaga Difaacaa Cudurka Cayilka?
• Adigoo dhaq-dhaqaaqa badiya oo lugeeya, ciyaara kubadda cagta, tan gacanta ugu yaraan seddex goor todobaadkii .
• Adigoo joojiya sigaar cabidda iyo tagista meelaha sigaarka lagu cabo.
• Adigoo cuna cuntooyin saxan oo khudrad u badan
Cuntooyinkaaga Oo Aad Saxdo :
• Waxaad cuntaa khudrada macaan iyo tan la kariyo oo noocyo badan isugu jirta si jidhkaagu uga helo nafaqooyinka iyo macdanta uu u bahanyahay jidhku.
• In aad cunto cuntooyin nafaqo leh oo kala duwan.
• Yarayso cunooyika ay ka mid yihiin buskudka, baradhada shiilan, macmacaanka nac-naca subagyada kala duwan, milixda, jalatooyinka kala duwan iyo cabitaanka soodhada ah.
• Iska yaree cunooyinka shiilan ee dufanka badan sida mac-macaanka, buskudyada, iyo keegaga.
Waxyaabaha kale ee cunada caafimaad iyo sixxo ku kordhiya:
• Dooro cunooyinka nafaqada leh sida rootiga guduudan, bariiska aan cadaanka ahayn.
• Markaad cunada karinayso ha ku badinin dufanka.
• Markaad cunada karinayso ha shiilin. Cunada dub, huuri, kari, foornee, ama uumatee.
• Dooro hilibka aan baruurta lahayn ama hilibka cad sida digaaga , digiirinka iyo kaluunka (malayga) .
• Dooro caanaha aan dufanka badan lahayn (1%) jubnadda (cheese), caano-fadhi iyo caanaha aan dufanka lahayn (skim)
Waxyaabaha kuu kordhinaya dhaqdhaqaaqa jidhka: (jimicsiga jidhka)
• Lugee! Maalin walba xawaare ku soco 15 daqiiqo.
• Ciyaar ciyaaraha fudud.
• La ciyaar ama la bardoodan caruurtaada.
• Haraacin wiishka guriga ee kor jaranjarda.
• Baska ka deg hal busteejo ka hor inta aan la gadhin taada si aad u yara lugayso.
• Yaree TVga daawashadiisa oo socsoco marka xayaysiisku soo galo.
• Gaadhiga kaga tag meel suuqa ka fog si aad u lugayso xoogaa.
• U lugee markaad waxyaabaha yar-yar soo iibsanaysid.
Mar kaad dhaq-dhaqaaqa badiyso waxay kaa caawisaa :
• In ay kaa yarayso khatartii cudarada sonkorta, wadnah joogsiga iyo faalidka.
• Inay debciso xubnahaaga laab-laabma
• Inay xoojiso dhaq-dhaqaaqaga
• Inay kaa ilaaliso lafaha is gala marka dadku gaboobo
• Inay kaa ilaaliso lafaha khafiifa ee dil-dilaaca (osteoporosis)
• Inaad noqoto qof faraxsan oo aan diiqo heyn.
• Inay kaa dhigto qof isku kalsoon oo hanawayn.
• Inay kaa ilaaliso wel-welka iyo welbahaarka.
Waxa lagama maarmaan ah in raggu aad ugu dadaalaan sidii ay mar walba u samayn lahaayeen jimisi joogto ah sida socodka oo la ogaaday in uu faa’iidooyin bada u leeyahay caafimaadka qofka. 15 daqiiqo oo aad lugayso ayaa wax badan ah.
Dr. Abdilahi M. Mahdi