|

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Hargeysa Ee Somaliland Ka Dib Markii Ay Ka Soo Laabteen Safarkii Tabantaabo Oo Maalintisii Tobnaad & Warbixinta Afhayeenka Madaxtooyada DAAWO

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha JSL iyo weftigiisii mudada ku maqnaa socdaalkii dheeraa ee u kuurgalka abaaraha ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada Somaliland ee Hargaysa

Socdaalka madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo qaatay muddo 10 maalmood ah ayaa waxa uu saameeyey gobolada kaa ah Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Daadmadheedh, Buuhoodle, Saraar, Sool, iyo sanaag, waxana Madaxweynaha iyo weftigiisu ay hawlo gurmad abaareed ka galeen goboladaasi oo ay sanadkan haleeshay abaar baahsani.

Saaka markii ay weftiga Madaxweynuhu dib ugu soo laabteen caasimada Somaliland waxa ku soo dhoweeyey bulshada caasimada waxana warbaahinta la hadlay afhayeenka Madaxtooyada Md Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo faahfaahin ka bixiyey socdaalkii dheeraa ee weftiga Madaxweynaha.

Comments are closed