Gabadh Xukuumadda Katirsan Oo Erayo Milgaha Iyo Anshaxa Suuban Baalmarsan Bulshada Farriin Uga Dhigtay Iyo Saamaynta Ay Yeelan Karto DAAWO
Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Agaasimaha hay’adda Xuquuqal-insaanka qaranka Marwo Farxiya Xuseen Jaahuur, ayaa si anshaxa suubban ka baxsan bulshada ugu gudbisay farriin ay doonaysay inay ku fududayso helitaanka raadadka dadka geysta kufsiyada oo inta badan muran badani ka dhasho.
Marwo Farxiya oo ka hadlaysay furintaanka xuska 15-ka cisho eek a dhanka ah tacaddiga haweenka, ayaa afkeeda soo marisay erayo aan ku haboonayn dhegaha bulshada caadiga ah, isla-markaana dhaawac ku ah milgaha iyo dhaqanka umadda.
Marwadu waxa ay sharraxday tallaabada uu qaadayo qof kasta oo cid uu masuul ka yahay kufsi lagu sameeyaa, balse qaabka ay u sheegay ayaa noqday mid aan dhaqan ahaan haboonayn oo aan la jaanqaadi Karin hannaanka bulshada wax loogu sheego.
Farxiya Xuseen Jaahuur oo afkeeda kagaga dhawaaqaysa farriinta aan haboonayn, ayaa waxa ay tidhi, “marka gabadh ama wiil kufsi loo geysto, dadka tacaddigaasi ku dhaco waa in la geeyo xarun Boolis, marka labaadna waa in xarun dhakhtar la geeyaa, hooyooyinkana waxan ku waaninayaa gabdhaha ama wiilsha marka uu kufsigu ku dhaco inaan la maydhin ama aan la dhaqin meesha uu kufsigu kaga dhaco ilaa dhakhar la geeyo 24-saacadood gudahoodna waa la helayaa sperm-kii(ugxantii).”
Nidaamka ay marwadani ugu dhawaaqday farriinteeda, ayaa ah mid ay dhegaha dadku diidayaan, isla-markaana kasoo horjeedda qaabka dadka wax loogu gudbiyo, waxana ay dhaawac weyn ku tahay asluubta umadda wax loo faro.