Garabka Axmed Muumin Seed Oo Bilaabay Inay Taageerayaashooda Ku Wacyi-geliyaan Inay Xilliga Doorashada Ka Codeeyaan Xisbiga WADDANI
Borama, 24 Noofambar, 2016-(SDN/QJ) – Garabka Axmed Muumin Seed ee Xisbiga WADDANI, ayaa bilaabay Ololeyaal ay Taageerayaashooda Xisbigaa ku wacyi-gelinayaan inay ka codeeyaan Xisbiga WADDANI marka la gaadho Doorashada Madaxtooyada ee loo qorsheeyay inay dhacdo Bisha Saddexaad ee Sannadka dambe.
Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xisbiga WADDANI oo ka mid ah garabka Axmed Muumin Seed Mr. Maxamed Abiib oo ka hadlayey Munaasibad taageerayaasha Garabka Axmed Muumin loogu qabtay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka AWDAL, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI u baahan yahay in Shan Sannadood oo Waayo-aragnimo, sidaa darteedna wuxuu taageerayaasha WADDANI ee Axmed Muumin Seed taabacsan ku waaniyey in marka la gaadho doorashada Madaxtooyada ay ka codeeyaan WADDANI oo ay codkooda Cid kale siiyaan.
Masuulkani wuxuu sheegay in Xisbiga WADDANI uu Muddo kooban ku noqday Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah, laakiin khaladaadkiisu ku soo baxeen Shirkii Golaha dhexe ee Bishii hore ka dhacay Hargeysa, “Xisbiga WADDANI wuxuu Muddo kooban ku noqday Hoggaamiyaha Asxaabta Mucaaradka ah. Wuxuu ku noqday Xisbiga haysta aqlabiyadda taageerayaasha qaar ka mid ah Gobollada Somaliland. Gobolka koowaad ee uu ku tashanayey wuxuu ahaa Gobolka Awdal, laakiin (Shirkii Golaha dhexe) wuxuu waxyeelay Xisbigii Dadka Somaliland ay is-lahaayeen waxaad ka helaysaan wax ka duwan wixii KULMIYE Waddanka keenay.” Ayuu yidhi, Mr. Maxamed Abiib, waxaanu intaa ku daray, “Aad baan u jeclaa Xisbiga WADDANI, aad baan u jeclaa qayb ka mid ah dabeecadaha Hoggaamiyaheyga Cabdiraxmaan-cirro, laakiin Shan Sannadood ka bacdi waxa muuqatay in Xisbiga WADDANI uu u baahan yahay Shan Sannadood oo Waayo-aragnimo ah, si uu waxyaabaha ka khaldan u soo saxo.”
Masuulkan oo hadalkiisa sii wata, ayaa isagoo si toos ah Taageerayaashii hor-fadhiyey oo boqollaal ah wuxuu yidhi, “Waxa la idinka rabaa in Farriinta aad halkan ka qaaddaan aad gaadhsiisaan Qof kasta oo jooga guryaha aad ka timaadeen. Maalinta Doorashada inaynu ka codeyno sow diyaar uma tihidin oo aynu u dirno Shan Sannadood oo Waayo-aragnimo ah.”
Maxamed Abiib, wuxuu sheegay oo kale, “Sow diyaar uma tihidin inaynu nidhaahno shantaa sannadood soo tababbaro hadduu ka noqon waayo waxaa ay sameeyeen.”ayuu yidhi, isagoo dibaaqaya Shirkii Golaha dhexe ee Axmed Muumin Seed ku waayey Musharraxnimadii Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI.