|

Wasiir Rafiiq Dhow la ah Maareeye Ku Xigeenkii Telefishanka Qaranka Somaliland ee Xamar iska Xaadiriyey oo la Filayo inuu Raaco Dariiqii Mustafe Qodax & Asbaabaha loo aanaynayo

Hargaysa 21. November 2016 (SDN/QJ):- Kadib Markii uu Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia uu iska dhiibay Maareeye Ku Xigeenkii Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa Waxaa soo Baxaya Warar Sheegaya in Mas’uuliyiin Xilal Sare ka haya Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay Qorshaynayaan Sidii ay ugu Biiri lahaayeen Kooxaha Xil doonka ah ee Muqdisho u Safraya.

 

saxHadaba warar hoose oo Warbaahintu heshay ayaa tibaaxaya in mid ka mid ah wasiirada Xukumada somaliland oo ay rafiiq dhow ahaayeen Maareeye Maxamed Qodax uu dhankiisa tabaabushaynaayo in uu maro dariiqii uu raacay Saaxiibkii.

 

Masuulkan oo ah ah Wasiiru Dawlaha Xanaanada Xoolaha Somaliland C/rashiid Maxamuud Cali (Riyo-Raac)  oo in mudo ahna ay saaxiibo dhow ahaayeen Maareeye ku xigeenkaasi isaga oo xilkii xukumada aan is casilin tagay Dalka Somaliya waxaanay hore uga wada tirsanaayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ka hor intii aanay hal maalin si rasmi ah iskaga wada casilin, iyaga oo ilaa iyo haatana ahaa rafiiq aad u dhow isku xilina ka mid noqday Xukumada Madaxwayne Siilaanyo.

 

riyo-raac1Wasiir Dawle C/rashiid Maxamuud riyo-Raac ayaana wararku xaqiijinayaan in uu wado sidii uu saaxiibkii uga daba tagi lahaa inkasta oo aanay Wasiirkan ku cusbayn tagitaanka Dalka Somaliya balse waxa uu hore uga soo mid noqday Xukumadihii hore ee Dalkaasi kuwaaasi oo uu ka soo qabtay xilal wasiiro ku xigeen ka hor intii aanu Somaliland cafis ku soo galin.

 

U hanqal taaga Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa sida Xoguhu ay sheegayaan ku lug leedadahay niyad jab uu Wasiir C/rashiid Riyo Raac mudooyinkii ugu dambeeyey ka qaaday awoodii Wasaaraddaasi uu u kalidii tunka u ritey Wasiirka aftahanka ah ee awooda badana ka haysta Madaxwayne Siilaanyo C/laahi Maxamed Daahir Cukuse.

 

Iyada oo mudooyinkii ugu dambeeyeyna ay soo baxayeen warar sheegaya in khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Wasiir Cakuse iyo ku xigeenkiisan ay haatan fartu ku godan tahay Mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Somaliland.

 

Maaha markii ugu horeysay ee Xubno Xilal ka haya ay u hamuum-yoodaan ka mid noqoshada Xukumada taagta daran ee inta badan ay dalalka Aduunku ku dhoob dhoobaan Magaalada Muqdisho balse xilli kasta oo Dawlad cusub laga dhisaayo Dalka Somaliya waxa aallaaba taga xubno magac iyo miisaanba ku dhex leh saaxada Siyaasada Somaliland.

Comments are closed